Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya Alshabaab iyo kooxda Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool Col. Maxamed Xasan Timacadde ayaa shaaciyay  inay taliyaha xoogga dalka uu amar ku siiyay inay galaan dagaalka oo ay gacan siiyaan ciidamada difaacaya Sheekh Roobow.

Wuxuu intaas ku daray inay qabaan amar buuxa oo ku aadan in ay u gurmadaan Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyadoo ciidamada dowladda uu sheegay inay gaareen degaanka Abal oo ay dagaalka ka qeyb qaateen.

Wararkii ugu danbeeyay ee degaanka buuraha Abal ayaa sheegaya in alshabaab ay maleeshiyadii ugu badneyd isugu geystay degaanka ku wareegsan buuraha Abal ee Gobolka Bakool iyadoo qorsheyneysa inay weerarkii ugu weynaa ku qaado Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay ku doonayaan nolol iyo geeri.

Xaaladda ayaa saaka degan kadib isku day kale oo shalay ay ku fashilmeen Alshabaab markii weerar culus ay qaadeen, iyadoo xilli kasta uu dagaalka dib u qarxi karo.