Friday, April 19, 2024

Cad Dheeman ah oo lagu iibsaday $53 Milyan oo Doolar [Daawo Sawirro]

Cad dheeman ayaa magaalada London lagu kala iibsaday adduunka lacageed oo gaaraya $53 milyan oo doolar.

Ninka lagu magacaabo Laurence Graff oo ah guddoomiyaha shirkadda GraffDiamonds ayaa iibsaday dheemankan oo la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta gacanta lagu hayo.

Dheemankan ayaa waxaa soo heshey shirkadda Canada laga leeyahay Lucara Diamond Cord, waxayna kasoo qoday dalka Botswana labo sano ka hor.

Ad

Dheemankan ayaa waxaa lagu magacaabaa “Lesedi La Rona” oo micnaheedu yahay “Illeyskeenii” marka laga soo turjumo afka Tswana ee looga hadlo dalka Bowswana.

Waxa uu la egyahay kubbada teeniska oo kale, waxaana la sheegay in uu yahay mid aad nadiif u ah oo sidii dhalo oo kale wax looga dhex arki karo.

Cadkan  ayaa la galin doonaa hawl dheeraad ah oo lasii kala qeybin doonaa si looga sameeyo waxyaabo kale sida ay shirkadda sheegtay.

- Advertisement -

Dheemankii kan ka horeeyay waxaa laga heley dalka Koonfur Afrika sanadkii 1905-tii, kaas oo lagu magacaabi jiray Cullinan Diamond. Laurence Graff ayaa dheemankan ku tilmaamay dheemanka adduunka ugu weyn ee cayriinka ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON