Wednesday, May 1, 2024

Ciidamada Col. Saney oo lagu eedeeyay inay Hubka waaweyn ku rideen xaafado ka tirsan Kaaraan

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal ciidamo milateri ah ku dhex maraya xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaal degmada Kaaraan ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa dadaal looogu jriaa in la joojiyo oo xal laga gaaro, marklii ay ku baxeen xubno uu horkacayo Taliyaha ciidamadaasi Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada fadhigoodu yahay xaafadda Gubadley oo uu hoggaamiyo Col. Saney Cabdulle Gaab iyo ciidamo kale oo ku sugnaa xaafadaha Xaawo Casir iyo agagaarka Isbitaalka Keydsaney ayaa dhaliyey qasaare kala duwan.

Ad

Gudoomiye ku xigeenka Amniga degmada Kaaraan Deeq Xasan Sheekhow ayaa sheegay in ciidamada Saney Cabdulle ay weerar saaka kusoo qaadeen ciidamo ilaalo u ah shirkadda DHUL IYO GURI ee degaanka ku leh xeebta ku teedsan agagaarka Keydsaney, ayna madaafiic iyo qoryaha waaweyn kusoo rideen xaafadaha ay dadku degan yihiin.

“Madaafiicda kasoo dhaceysa dhinaca Saney Cabdulle Gaab ee Gudbadley ayaa ku dhaceysa xaafadha Xaawo Casir, Keydsaney iyo Xirka-dheere, waxaana ku barakacay dadkii shacabka ahaa, waxaa hadda yimid Taliyaha xoogga dalka oo xaalada ku dhex jira” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan.

Wuxuu sheegay in ciidamada Saney Cabdulle ay weerarka soo qaadeen, iyadoo weerarkoodu ku socday ciidamo maamulka iyo Shirkada ‘Dhul iyo Guri’ ku ogyihiin halkaasi oo ilaalo u ahaa, wuxuuna ka deyriyey xaaladda xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ciidamo badan ay degan yihiin.

- Advertisement -

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayey in ciidamada dagaalamaya ay kala taageersan yihiin Col. Saney Cabdulle iyo Col. Cusmaan Xaadoole oo ah laba sarkaal oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON