Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay raashin dhacay, oo la doonayay in laga saaro Dekedda Magaalada Muqdisho si loogu iibiyo suuqyada.

Wararka ayaa sheegaya in Raashinka ay qabteen Ciidamada NISA uu ahaa mid aanay dadku isticmaali karin oo qurmay, kana koobnaa boqolaal tan oo ku jiray jawaabo ku xareysan mid ka mida bakhaarada dekadda.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugida C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kormeer ku sameeyya Goobta uu yaallo raashikan dhacay ee la doonayay in magaalada la geliyo.

Mas’uuliyiinta dowladda waxa ay sheegeen in raashinkaasi lagu qarinayay ,meel dekadda ka mid ah, islamarkaana la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka. Ma jirto faahfaahin laga bixiyay cidda lahayd iyo sida maamulka dekadda wax uga qaban waayay.

SAWIRRO