Cabdi Qeybdiid oo si qaraaxo leh u weerarray Madaxweyne ku xig...

Cabdi Qeybdiid oo si qaraaxo leh u weerarray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi

Posted by Goobjooge.com on Friday, September 29, 2017

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka, kana mid ahaa xubnihii magaalada Cadaado u tagay dhexdhexaadinta madaxda sare ee Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay fashilka ku yimid waanwaantii ay  wadeen.

Cabdi Qeybdiid oo qaab qaraaxo ah uga hadlay wixii dhex maray wafdigooda iyo dhinac ka mida madaxda khilaafku u dhaxeeyo ee Galmduug ayaa diiradda saaray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo sheegay markii uu la qaatay waanwaanta saacado kadib inuu la yimid arrin aanay fileyn oo ah inuu isagu sheegtay inuu yahay madaxweynaha Galmudug.

Muuqaalka sare wuxuu muujinayaa in kooxda xildhibaannada ah ee tagtay magaalada Cadaado ay ahaayeen xildhibaanno taageersan dhinac ka mida madaxda is khilaafsan ee Galmudug, iyadoo aan kalsooni ka heysan dhinaca kale.