Thursday, April 18, 2024

DAAWO: Cilad ku timid Jaranjarradii uu ku degi lahaa Boqor Salmaan oo Qaraaxo ka dhalisay Ruushka

Dhacdo lama filaan ah ayaa qabsatay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis oo shalay booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruuskha.

Arrintan ayaa ahayd in Jaranjaro (Sallaan) electronic ah oo ay si gaara u wadatay diyaaradii Boqorka Sacuudiga ay shaqeyn weyday, taasoo loogu talogalay in boqorka oo aan socon uu diyaaradda ka dego.

Cillada ku timid jaranjarrada diyaaradda Boqorka ayaa la yaab ku noqotay shaqaalihii diyaaradda iyo gacan-yareyaashii la socday Boqor Salman, waxaana boqorka qasab ku noqotay inuu socod uga dego diyaaradda.

Ad

Haweeney u hadashay Aqalka Kremelinka oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegtay in Sallaanka cilladoobay ay wateen Sacuudiga oo aanay isticmaalin garoomada diyaaradaha Ruushka noocaas oo kale, cillada ku timidna aanay waxba kala socon dhinacooda.

Arrintan oo noqotay mid si weyn loo hadal hayo ayaa muuqaal laga qaaday Boqor Salmaan xilligii uu ka degay diyaaraddii u qaaday Ruushka waxaa la arkayay iyadoo ay si lama filaan ah u shaqeyn weyday Sallaanka korontada ku shaqeeya ee Boqorka loogu talogalay.

DAAWO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON