Friday, April 19, 2024

DAAWO SAWIRRO: Maxaa laga helay Qolka Ninkii dadka badan ku laayay Mareykanka

Waxaa soo baxaya faafhaahin ku saabsan ninka dadka badan ku laayaya magaalada laz Vegas ee dalka Mareykanka ayaa lasoo bandhigay sawirrada qolkii uu falka ka geystay ee hotelka Mandalay Bay Hotel.

Stephen Paddock, ayaa dilay 59 qof, wuxuuna dhaawacay in ka badan 500 kale markii uu rasaas kasoo furay qol uu diyaarsaday oo hotelka uu degay ka mida, waxaana weli la raadinayaa sababtii keentay in weerarkan uu geysto.

Qolkii uu maalmo ka hor ka kireysay hotelka Mandalay Bay Hotel ayaa lagu arkay qoryo fara badan iyo rasaas, waxayna booliska sheegeen inuu Kaamerooyin ku rakibtay qolka soo eegaya goobta ay ka dhacayeen bandhigga fanneed ee uu rasaasta ku furay.

Ad

Booliska ayaa qolka ka helay hubkii ugu badna ee la maleyn karay oo ay ku jiraa 18 qori iyo bistoolado, waxayna sheegeen in si heer sare ah loo agaasimay weerarka uu ninkan dadka badan ku laayay.

Waxaa kaloo Boolisku ogaadeen inuu lacag dhan 100,00 Doolar u diray haweeney asalkeedu yaahy Filipin oo la sheegay inay saaxiib la ahayd maalmo ka hor inta uusan falan geysan, wuxuuna ninkan is dilay  markii Booliska ay ku dhowaadeen qolkiisa.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON