Thursday, April 18, 2024

Boqortooyada Sacuudiga iyo dalal kale oo laga arkay Bisha Shawaal ee Soonfur

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay ku dhawaaqay in Berri oo Axad  ku beegan tahay Ciidul fitriga sanadka 1438 Hijriyadda.

Sida ay soo werisay wakaalada Sacuudiga waxaa bisha Shawaal laga arkay Gobollo ka mida Sacuudiga, iyadoo berrito ay noqoneyso maalinta koowaad ee Bisha Shawaal (Soonfur) iyo Ciidul Fitriga, halkaasoo ay jy dhammaaneyso 29 maalmood oo bishii Ramadaan ahayd.

Dhinaca kale Dalka Cumaan ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalin Ramadaan oo la dhammeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan, iyadoo aysan sugnaan dhalashada Bisha Shawaal.

Ad

Dalka Qatar ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta koowaad Ciidul fitriga, waxaana sidaas oo kale Sacuudiga ku raacay dalal dhowr ah sida Imaaraadka Carabta iyo Kuweyt.

Dalal dhowr ah oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa lagu wadaa inay iyaguna saacadaha soo socda ku dhawaaqaan inay berrito tahay Ciid.

LA SOCO…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON