Friday, April 26, 2024

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo shaaciyay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya  in xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ay kalsoonidii kala noqdeen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Kulan ay xildhibaannada Galmduug ku yeesheen magaalada Cadaado ayay sheegeen inay cod u qaadeen, isla markaana ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Xildhibannada shira ayaa sheegay in tirada kulanka yeelatay ay gaartay 55 xildhbaan, isla amrkaana 52 ka mid u codeeyeen inay kalsoonida kala noqdaan Axmed Ducaale Xaaf, halka 2 ayaa diiday, Hal xildhibaanna uu ka aamusay.

Ad

Axmed Yuusuf Ciyow oo si KMG ah u shir Gudoominayay kulanka Xildhibaanada Galmudug ayaa Sheegay in 52 Xildhibaan ay Kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Xaaf, wuxuuna intaasi ku daray in Xilka Madaxweynaha Galmudug uu si KMG u sii heyn doono Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Arrintan ayaa la mida xil ka qaadistii hore ay xildhibaanno ka tisan Galmudug ay qaabkan oo kale xilka uga qaadeen madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, taasoo ugu danbeyn sababtay inuu is casilo.

Warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanno kale ay Cadaado uga dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Casir iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi.

- Advertisement -

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON