Thursday, April 25, 2024

Dhaawacyadii la geeyay dalka Suudaan oo xaalad lama filaan ah qabsatay iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in qaar ka mida dhaawacyadii Qarixii magaalada Muqdisho oo la geeyay magaalada Khatroum ee dalka Suudaan ay xaalad lama filaan ah qabsatay.

Dhaawacyadan oo gaarayay 7 qof ayaa waxaa lagu qaaday Diyaarad ay leeyihiin Milateriga dalka Qatar, waxaana kharashka caafimaadkooda bixinaya dowladda Qatar, laakiin markii laga dejiyay magaalada Khartoum ayay xaalad kale ku dhaceen.

Eheleda la socda dhaawaca iyo dad ku sugan Khartoum ayaa noo xaqiijiyay  in lagu daadiyay goobo lagu magacaabo Mutamayiz hospital  aan ahayn isbitaal weyn, iyadoo balanqaadkii loo sameeyay ee Safiirka Qadar u jooga Khartoum aan la fulin, waxaana heysta xsaalad adeeg ah iyo caafimaad ka jirin oo xaalkoodu liito, waxaana xaaladooda ay noqotay mid cakiran, taasoo keentay in qeylo dhaan ay kasoo yeerto dadka dhaawaayadaasi la socday.

Ad

Arrintan ayaa lagu eedeynayaa inay ku takri faleen dowladda Qatar oo mas’uuliyadda qaaday, laakiin u wakiilatay wasaaradda caafimaadka Suudaan, iyadoo aanay jirin wax qorshe ah oo hore loogu diyaariyay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaar ka mida dhaawacyada kuwoodii darnaa hadda la geeyay isbitaallo gaar loo leeyahay, waxaana lagu wadaa in xalinta arrintan uu dalka Suudaan u aado berri Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

- Advertisement -

Lam oga xaqiiqada sida ay arrimahan u dhaceen iyo qorshe la’aanta lagu dhoofiyay dhaawacyadan oo ehelkooda ay dalbadeen in dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Goobjooge

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar oo War kasoo saaray xaaladda Dhaawacyada la geeyay Suudaan [Akhriso]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON