Thursday, April 18, 2024

FAAHFAAHIN: Xildhibaanno bilaabay Mooshin cusub oo looga horjeedo faragelinta Imaaraadka Carabta

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qorista Mooshin looga horjeedo Faragelinta ay dowladda Imaaraadka Carabta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xilhdibannada wada mooshinka cusub ayaa waxaa hormuud u ah xildhibaano u badan kuwii ka hor yimid sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya, iyadoo Imaaraadka lagu eedeeyay faragelinta qaawan ee ay ku heyso Siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka ay sida tooska ah ula sameyneyso madaxda maamullada dalka ka jira.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in uu socdo diyaarinta Mooshinkan, ayna doonayaan inay Baarlamaanka hor geeyaan arrninta Dowladda Imaaraadka Carabta. Mooshinkan oo la qoray  ayaa saxiixiisa uu marayaa meel fiican iyadoo dhowaan lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.

Ad

Mooshin hore ay xildhibaanadda u hor geeyeen Baarlamaanka oo looga horjeeday saldhigga milateri ee Imaaraadku ka sameysanayo magaalada Berbera ayaan waxba kasoo bixin kadib markii guddoonka sare iyo madaxda dowladda dhexdooda uu ku lumay, waxaana wararka qaar sheegayaan in Imaaraadka uu cadaadis saaray madaxda dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON