Thursday, March 28, 2024

Go’aanadii Golaha Wasiirada kasoo baxay & Xukuumadda oo bixineyso Hal Milyan oo Doolar

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo uu ugu horeeyo amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle wuxuu faray in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday Musiibadii Zoobe.

Ad

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha amni ee dalka, waxaana Warbixin laga dhageystay Ku simaha Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo wixii u qabsoomay, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag abaabulayay Haamo Qaraxyo ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa Golaha Warbixin ka siiyay shirkii Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadlay Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay siyaasadda Qaran ee Dhalinayarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa warbaahinta u aqriyay waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiiarada Soomaaliya.

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON