Thursday, May 2, 2024

Guuto dagaal ka tirsan ciidamada Burundi oo Muqdisho soo gaaray [Sawirro]

Guuto cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi (BNDF) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo hal sano oo shaqo ah uga bilaabanayso Soomaaliya.

Guutada dagaal ee 45aad oo ciidanka Burundi kamid ah isla markaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutada 39 aad oo shaqadooda dhameystay.

Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Ad

Sidoo kale Lt. Col. Hatungimana  ayaa xusey in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi  ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay kamid ah; Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON