Friday, April 19, 2024

Haweeney Ganacsato ah oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox dabley ay ayaa toogasho ku dishay haweeney ganacsato ah, Xaafadda Towfiiq, degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay ka ganacsan jirtay Dhuxusha, waxaana soo weeraray xalay laba nin oo bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo rasaas ku furay, goobtaha ka baxsaday.

Dadka degaanka ayaa sheegay in haweeneyda la diray lagu magacaabi jiray  Dahabo Xuseen, iyadoo laga yiqiin xaafadda Towfiiq oo muddo dheer ay ganacsan jirtay Dhuxusha.

Ad

Ciidamada Ammaanka ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxdii ka danbeysay dilka haweeneydam, waxayna goobta tageen muddo kadib markii falka naxdinta leh ee dilka uu dhacay.

Waxaa muddooyinkan danbe soo kordhaya dilka haweenka ganacsatada ah ee danyarta ah, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilayo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON