25.6 C
Mogadishu
Thursday, August 24, 2017
Home Blog

Guddoomiyaha G/Benaadir oo dib u furay taalladii Axmed Gurey ee Muqdisho [Sawirro]

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd. Guddoomiye Thaabit ayaa arrintan ka sheegay xaflad furitaan ah oo loo sameynayay taalladii Axmed Gurey oo ku taalla isgoyska KM4 oo la qabtay habeenkii Arbacada. Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taalladan, wuxuuna...

Sheekh Mukhtaar Roobow kulan la leh xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda K/Galbeed

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu shir uga furmay xildhibaanada labada Aqal ee Koofur Galbeed ee kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masnuur oo dhowaan dowladda isu dhiibay. Kulanka ayaa bilow u ah kulamo la sheegay inuu Mukhtaar Roobow la yeelanayo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo isaguna uu kasoo...

Nabadoon caan ah oo caawa toogasho lagu dilay Magaalada Afgooye

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in caawa  degmada Afgooye lagu dilay oday dhaqameed caan ah. Nabadoonka  la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Duraan Axmed Cali, waxaana la sheegay in dabley Bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku furtay xill uu ku sugnaa agagaarka masjid ku yaalla Xaafada Xaawa Taako ee Degmada Afgooye. Dableyda dilka nabadoonka ka danbeysay ay...

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo xiray Odayaal dhaqameed Beelo waanwaan u socotay

Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, ahna kusimaha madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xabsiga dhigay odayaal dhaqameed. Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegayanin tiro Odayaal ka socday beelo ku diriray degmada Cadale ee Gobolka Shabeeldaha Dhexe, una joogay magaalada Jowhar uu xabsiga dhigay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle isagoo ku eedeeyay inay heshiis gaari waayeen. Odayaashan ayaa loo sheegay inaan...

Galmudug oo waxba kama jiraan ku tilmaantay War uu baahiyay Jen. Galaal [Dhageyso]

Galmudug ayaa beenisay war uu maanta faafiyay Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ku saabsan waanwaan uu ka dhex waday maamullada Galmudug iyo Ahlu suna. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan Masegawaa ayaa sheegay wararka uu faafiyay iyo hadallo aan habooneyn ee uu ka sheegay Galmudug ay yihiin kuwo aan jirin, wuxuuna sheegay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal aanu wax damaanad ah ka...

Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Xarigga laga jaray [Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo uu wehliyo Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay xafiisyada cusub ee ay ku howlgali doonto Waaxda Carabta. Agaasimaha Waaxda Carabta Mustafa Adam Dagaal ayaa ku soo dhoweeyay Madaxda...

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dhaliil u jeediyay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay safiirada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay arrimo dhowr ah. Ra'iisal wasaare Kheyre ayaa beesha caalamka ku dhaliilay inaysan wax la taaban karo u qaban dadka iyo dowladda Soomaaliyed, isla markaana mar kasta la sheego dhaqaale badan oo lagu bixiyay Soomaaliya, kaasoo aan...

AKHRISO: Qodobadda lagu dhisayo Dowladda cusub Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna

Jenenaraal Maxamad Nuur Galaal oo waanwaan ka dhex waday maamulada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa shaaciyay qodobo ay isla garteen labada dhinac oo lagu mideynayo labada maamul. Jeneraalka oo sheegay in labada dhinac uu ka helay balanqaadyo iyo damaanad ayaa warbaahinta u sharxay nooca dowladda cusub ee ay ku midoobayaan Ahlu suna iyo Galmudug iyo qobobadda la isku afgartay in...

Sidee Wasiirka Waxbarashada & Taliyaha Booliska looga reebay Wafdigii Madaxweynaha ee Masar?.

Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Dahir Cusmaan oo lagu wargeliyay inuu ku jiro Liiska wafdiga Madaxweynaha ee aadaya Masar ayaa laga reebay safarka. Wafdiga madaxweynaha ee tagay Masar ayaa ka koobnaa 23 xubnood, laakiin waxaa isbedel lagu sameeyay liiska xubnaha wafdiga oo  markii dambe laga saaray Wasiirka oo lagu bedelay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo taliyaha ciidamada Booliska. Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Villa Somalia...

Gen. Galaal: “Ciidamada weeraray degaanka Mareergur waa haraagii Damujadiid..”

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo qorshe dib u heshiisin ah ka dhex waday maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa cambaareeyay ciidamada raacsan Galmudug ee saaka la wareegay degaanka Mareergur. Janaraal Galaal oo gacansaar la leh Ahlu suna ayaa sheegay in ciidamo  saaka qabsaday degaanka Mareergur aysan ka amar qaadan Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay yihiin haraadigii Damuljadiid. Jen. Galaal oo wareysi...
82,186FansLike
14FollowersFollow
1,057FollowersFollow

Featured Posts

LATEST NEWS

Caalamka