Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ah madaxii ololaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre oo Ciidamada Booliska Somaliland ee gobalka Gabiley ay xabsiga u taxaabeen, isagoo ku sugnaa gudaha magaaladdaasi, loona geystay jirdil iyo Faadumo Siciid oo ah la-taliyaha arrimaha dibada ee musharaxa madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Faadumo Siciid ayay booliisku sheegeen in laga xiray goob ay ka socotay tirinta doorashada oo Dugsi ahayd xalley fiidkii,.Sarkaal saddexaad oo ka tirsan xisbigaasi ayaa la xiray shalay markii doorashadu socotay kaasi oo ka codeynayay xarun ku taalay degmada Axmed Dhagax.

Saddex masuul ayaa habeenkii doorashada sidoo kale ciidamada booliiska Somaliland xabsiga u taxaabeen kuwaasi oo laga xiray magaalada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag imikana ku xidhan saldhiga Magaalada Ceerigaabo.

Laamaha amaanka Somaliland wali kama hadal xadhiga masuuliyiintaasi lixda ah ee laga xidhay xisbiga mucaaridka ee Waddani, Afhayeenka xisbigaasi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa cambaareeyay xadhiga loo geystay masuuliyiinta ka tirsan xisbigiisa.

Dhinaca kale tirinta codadka doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa ka socda maamulkaasi, iyadoo Guddiga doorashada uu howsha u wado si habsami leh, waxaana lagu wadaa in natiijada ay qaadato ku dhawaaqisteeda 24 saac oo kale.