Friday, April 26, 2024

Madaxweynaha Killinka Shanaad: “Kuwa Qalbi dhagax u bannaanbaxaya maxaa u galay..” [DAAWO]

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  arinta Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in bannaanbax loo dhigo, wuxuuna sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ,islamarkaana aysan jirin wax ka khuseeya dadka Soomaaliyeed, waxaana xusay in dambiyo kala duwan uu ka galay dhulka dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin degaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa caddeeyay in Qalbi dhagax uu yahay nin nasiib badan, oo weliba isagoo danbiyo badan ka galay deegaanka ayuu si nabadgelyo ah ugu noolaan doono, balse la marinayo Baaritaan qaladaadkiisa la xariira.

Ad

Dadka Soomaaliyeed ee banaanbaxa dhigaya iyo siyaasiinta ayuu Ku sheegay kuwa Dana gaar ah wato oo aan shaqo Ku laheyn arintiisa.

“Kuwa Qalbi dhagax u banaanbaxaya maxaa uga galay miyay u banaanbaxaan Shabaabka dadka dilaya Suuqyadii ardaydii qalin jibineysay iyo masaajidyadii ayaa la qarxiyay kama banaanbixin Qalbi dhagax oo ah shaqsi dhulkiisa jooga ayay ka banaanbaxeen Waa arin aan u oolin” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON