Friday, March 29, 2024

Madaxweyne Farmaajo: “Taageero buuxda ayaan uga helay Madaxweynaha Uganda dagaalka cusub ee Alshabaab..”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa caawa kulan la yeeshay madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni.

Kulanka loo looga hadlay xiriirka labada dal iyo qorshaha dagaal ee dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu qaado Alshabaab ayaa madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu taageero buuxda ka helay madaxweynaha Uganda.

“Waxaan wadahadal mirodhal ah la yeeshay madaxweyne Musaveni oon ka wadahadalnay iskaashigga ammaanka, wuxuu ku balanqaaday taageero buuxda xilligan oo aan qaadayno guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo baraha bulshada soo dhigay farriintan.

Ad

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wafdiga madaxweyne Farmaajo la socday, halka Uganda ay uga qeyb galeen madaxweynaha dalkaasi iyo madax kale.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON