Friday, April 19, 2024

Magaalada Boosaaso oo ururisay lacag saddex laab ka badan Kharashka Mareykanka ku deeqay!

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa muujisay deeqsinimo iyo Soomaalinimo kadib markii ay 48 saacadood ku ururisay lacag ka badan 300,000$ oo loogu talogalay dadka ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

Ololaha qaaraan ururinta oo ka dhacay Masjidka Rowda ee Boosaaso waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin iyo dhacab iyadoo caruurta magaalada ay lacago ku wareejiyeen Guddiga yabooha, waxaana la yaab leh in Boosaaso ay ka saddex laab ka badan tahay dhaqaalaha uu ku deeqay mareykanka oo ah 100,000$.

Wiil yar oo lacag ugu deeqay Guddiga Gurmadka Magaalada Boosaaso
Wiil yar oo lacag ugu deeqay Guddiga Gurmadka Magaalada Boosaaso

Soomaali fara badan ayaa u istaagay inay gurmad u sameeyeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho, waxayna fureen olole lacago lagu ururinayo iyadoo gurmadka Soomaalida kaliya haddii si fiican loo maareeyo uu kasoo harayo dadka dhibaateysan, isla markaana aan loo baahneyn kaalmo dibadeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON