Sunday, May 5, 2024

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar oo War kasoo saaray xaaladda Dhaawacyada la geeyay Suudaan [Akhriso]

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Cumar Cali Idiris ayaa qoraal uu diray ku sheegay in la xaliyay arrintii dhaawacyada qaraxii Muqdisho ee la geeyay dalka Suudaan.

Safiirka ayaa sheegay inuu ka shaqeeyay, iskuna xiray safiirka Qatar ee Suudaan, Safiirka Soomaalida ee Suudaan isla markaasina la amray in dhaawacyada la geeyo isbitaallada ugu wanaagan ee gaarka ah magaalada Khartoum.

Hoos ka akhriso farriinta Safiirka

WARGALIN – DHAAWICII SUDAAN LA GEEYEY

Waxaa isoo gaadhayo farrimo badan oo cabasha ah, kuwo si guud loogu qoray baraha internetka, iyo kuwo si gaar ahaaneed la iigu soo qorayba, cabashadaas oo ku saabsan daryeel xumo ku qabsatay dadkii dhaawaca ahaa ee ay Dowladda Qatar gaysey dalka Sudaan. Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogaba, in arintaas la xalliyey markii aan ka wada hadalney wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar, farriin cadna ay iigu sheegtey in dadkaas si degdeg ah loogu qaybiyo isbitaalada khaaska ah kuwooda ugu fiican ee Magaalada Khartoum ku yaallo, iyada oo lala kaashanayo Dowladda Sudaan. Wixii kharash ah oo ku baxana Amiirka Dowladda ayaa bixin doona.

Farriin taasna waxaan gaadhsiiyey dhankeyga, madaxtooyada Soomaaliya iyo Safiirkeena noo fadhiya dalka Sudaan, Danjire Maxamed Cabdullaahi Ugaas, Qatarna waxey gaadhsiiyey safiirkooda u fadhiyo Sudaan, labada safiirna waa la isku xidhay si ay arrinkan uga wada shaqeeyaan. Caawa laga billaabana, labada safaaradood waxey guda galayaan howshaas fulinteeda. Waxaanan rajaynayaa in ay sidaas ku xallisantey arrintani mabda’ahaan wixii farsamo kale oo uu daah ka yimaado waa gaarkeeda.

CUMAR 18/10/2017

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON