Friday, April 19, 2024

Sarkaalkii Milateriga ee lagu tuhunsanaa weerarkii Hotel Naasahablood 2, oo baxsaday [Akhriso]

Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo la sheegay inuu galay tuhun ku saabsan inuu ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa ka baxsaday gurigiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Cabdi Dubad ayaa sheegay inuu ka baxsaday guriga oo ay maanta ku weerareen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, markii uu dagaal dhex maray ilaaladiisa, wuxuuna sheegay in askari laga dilay mid kalena laga dhaawacay.

Kadib weerarka ciidamadu ku qaadeen guriga sarkaalkan oo ku yaalla dhabarka danbe ee Godka Jilacow ayaa waxaa dhacday inuu ka baxsado goobta, iyadoo uu saxaafadda u sheegay inuu hadda ku sugan yahay xero ay ciidamada ku leeyihiin degmada Hodon, iyadoo la filayo in ciidamo milateri oo qaab beeleed u abaabulan uu megangalyo ka helay.

Ad

Wuxuu ku doodayaa Cali Cabdi Dubad ayaa arrinta heysata ku eedeynaya kadib markii uu isagu qabtay xubno  xubno ka tirsan Al-shabab kuna wareejiyay hay’adaha amaanka Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON