Friday, April 19, 2024

Taageerada Maamul Goboleedyada oo soo bilaabatay iyo Puntland oo hormuud ka noqotay

Maamul Goboleeadyada Soomaaliya ayaa soo bilaabtay jawaab ay ka bixinayaan qaraxii Muqdisho ee dadka badan lagu laayay.

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa diyaariyay Dhakhaatiir iyo Dawo loo dirayo magaalada Muqdisho, waxaanba la filayaa in diyaarad sida dhaqaatiir iyo dawo ay imaan doono Muqdisho saacadaha soo socda.

Wasaarada caafimaadka Maamulka Puntland ayaa Garoowe, Gaalkacyo iyo Bosaso ku diyaarisay Daawooyinka iyo Takhaatiirta la qaadayo, iyadoo Puntland ay noqoneyso maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaaba musiibadii Muqdisho. Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo saxaafada kula hadlay madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay inay Berri Muqdisho u dirayaan Diyaarad sida Daawo iyo Dhaqaatiir.

Ad

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda bannaanbax looga horjeedo qaraxii Muqdisho iyo kooxda Alshabaab, waxaana maamulka uu qorsheynayaa inuu ka qeyb qaato gurmadka Muqdisho ka socda.

Wasiirka Warfaafinta K/Gabeed iyo dhalinyaro ayaa iyaguna la arkayay iyagoo madaxa ku xirtay maryo cas oo ku muujinaya sida ay uga horjeedaan qaraxii dadka badan ku laayay caasimadda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON