Friday, April 19, 2024

Turkiga oo ka baxay dhoolatus u socday NATO & fadeexad ka dhalatay sawirka asaasihii Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ciidamadiisu ka baxeen dhoolatus milatari oo ay gaashaan buurta NATO ku qabanayso dalka Norway ka dib markii goobta lagu soo bandhigo hoggaamiyeyaashii caddowga ahaaa la dhigay sawirka aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk.

Xog-hayaha guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa arrintaasi ka dhacay goobta tababarku socday raali gelin ka bixiyey, waxaanu sheegay in falkaa ay sameeyeen shakhsiyaad aan matalin gaashaanbuurta waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Turkigu yahay “Saaxiib muhiima oo ka tirsan NATO isla markaana door wax ku ool ah ka qaata nabadgelyada dalalka gaashaan buurta ku bahoobay”.

Talaabadan waxa uu ku sheegay Erdogan khudbad uu u jeediyey madaxda laamaha xisbigiisa talada haya ee AK Party, waxaanu yidhi “waxay meel Norway ku taal oo qeybta caddowga la dhigay sawirkii Mustafa Kemal Ataturk oo ay magacyana ku qoreen”.

Ad

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Arintan waxa ii sheegay taliyaha Ciidanka, Khaluusi Akaar, iyo wasiirka arimaha Midowga Yurub Cumar Jiliik, oo igu wargeliyey in ay afartan askari oo ciidankeena ka tirsan oo ka qayb galayey dhoola tuskaa ka soo saarayaan, aniguna waxaan ku idhi si dhakhso ah arintaa u fuliya, waxaas oo kale ma aha is gaashaan buuraysi”.

Stoltenberg ayaa sheegay in qofkii waxaa sameeyey isla markiiba laga saaray goobta tababarku ka socdo oo baadhitaanna lagu hayo, waxaanu intaa ku daray inuu falkaa qofka sameeyay ahaa askari hawlgab ah oo haatan rayid noqay oo aan ahayn shaqaale ka tirsan NATO.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON