Thursday, April 18, 2024

XOG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo farageliyay khilaafka ka taagan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa faragelin ku sameeyay khilaaf ka dhex taagan madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Khilaafkan ayaa ka dhashay shaqo ka joojin uu wasiirka gudaha Cabdi Faarax Juxa ku sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim, arrintaas oo ay ka hor yimaadeen wasiiru dowlaha wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaatay madaxda Wasaaradda, isagoo kala hadlay xaaladda ka dhalatay xil ka qaadista xoghayaha, waxayna wararku sheegayaan in Wasiir Juxa uu si cad ugu sheegay ku xadgudubka xeerka Golaha Wasiirada.

Ad

Xiisada ka dhalatay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa weli xal kama dambeys ah loo helin, waxaana lagu wadaa inuu maanta shir isugu keeno saddexda mas’uul ee ugu sareysa Wasaaradda oo shalay oo soo wada saaray Qoraalo iska horjeeda.

Kheyre ayaa wajahaya xaaladii ugu adkeyd ee kasoo wajahda xukuumadiisa, iyadoo uu hore indhaha uga qabsaday shaqo joojin lagu sameeyo agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood iyo kuwo cusub oo la magacaabay. Mana cadda tallaabada uu qaadan doono arrintan.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON