Thursday, May 2, 2024

XOG: Xildhibaanno ku maqnaa Xajkaoo laga reebay Diyaaradii ay ku qornaayeen [Yaa ka dambeeyay?]

Qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku maqnaa waajibaadkii xajka ee sanadkan ayaa si qorsheysan dib loogu dhigay soo laabashadooda.

Warkan oo laga soo xigtay dhowr xildhibaan oo arrintan qabsatay ayaa sheegay in dib u dhaca soo laabashadooda ay ka dambeysay shirkadda Jubba Airways ayna tuhunsan yihiin inuu tallaabadaasi ku dhaqaaqay milkiilaha Shirkadda ayna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ganacsade Siciid Nuur Giriish.

Xildhibaanada qorshahan saameeyay ayaa ka badan 10 xildhibaan, waxaana ay u badan yihiin xildhibaanada ka gacansaarka la leh Qabyo iyo Aala-sheekh oo la sheegay inay ka horjeedaan kiiska C/kariin Qalbi dhagax oo dowlada Soomaaliya u gudbisay Itoobiya.

Ad

Xildhibaannadan ayaa sheegay in si ulakac ah looga reebay duulimaadkii Muqdisho ku soo wajahnaa Arbacadda, isla markaana aysan ogeyn xilliga kale ee ay soo duuli doonaan, safarka kale ayaa Jimcaha loo qorsheeyay, inkastoo aan la ogeyn isbedel ku dhici kara.

Ganacsade iyo xildhibaan Siciid Nuur Giriisha ayaa gacansaar hoose la leh Ra’iisal wasaaraha isagoo dagaal siyaasadeed uu kala dhaxaeeyo xildhibaanada Damjudadiid iyo Aala-sheekh, taasoo keentay inay isku qasmaan ganacsiga iyo siyaasadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON