Saturday, April 20, 2024

XOG: Yaa hor taagaan Miisaaniyad kordhintii xukuumadda u ogolaatay Maamulka Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhawaan Golaha wasiirada ka codsaday in Maamulka Gobolka Benaadir loo kordhiyo miisayadda uu ka helo Dakadda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha oo ah (15%).

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa codsaday in 10% loo kordhiyo lagana dhigo (25%) si uu Maamulka ugu qabto lacagtaas howlo iyo shaqooyin ka xayiran , maadaama miisaaniyadda la siiyo iyo Shaqada hortaalo aysan isku mid aheyn.

Guddoomiyaha ayaa golaha Wasiirada hortooda kasoo jeediyey inay ka aqbalaan codsigaan markii uu golaha soo hordhigay xaqiiq ku aadan inaysan lacagta hadda la siiyo maamulka ee ah 15% aysan ku filneyn shaqooyinka iyo howlaha maamulka horyaalo.
Dhammaan golaha Wasiirada iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isku raacay in Maamulka Gobolka Benaadir laga aqbalo codisgaas caddeymaha wato si loogu adeego shacabka Muqdisho oo muddo badan an helin horumarada dhanka Caafimaadka, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, Amniga iyo waxyaabaha nolosha bini’aadamka asaasiga u ah.

Ad

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn usoo dhaweeyey codsiga guddoomiyaha markii uu fiiriyey lacagta aadka u yar ee Maamulka Gobolka Benaadir laga siiyo Dakadda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha ee ah 15% wuxuuna arrintaas u gudbiyey inuu si deg deg ah u fuliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle maadaama ay soo dhaweeyaan dhammaan Golaha Wasiirada.

Balse nasiib darro waxaa dhuunta qabtay Miisaaniyadaas Wasiirka Maaliyadda Dr. Beyle oo diidan in shacabka Muqdisho loo adeego isla markaasna ay heleen adeegyada kala duwan ee looga baahan yahay inay Maamulka qabtaan.

- Advertisement -

Sida xogta hoose lagu helayo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed dhawr jeer isku dayey inuu Wasiirka Maaliyadda ku cadaadiyo inuu ka hor wareego cunaqabateynta uu ku hayo Maamulka Gobolka Benaadir oo bilaabay inuu dardar geliyo howlihiisa shaqo isla markaasna ay shacabka Muqdisho ka sugayaan inuu dhameystiro inta dhiman.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku heleyn aaminsaneyn inuu Gobolka Benaadir yahay maamul iskiis u taagan oo la mid ah maamulada dalka ka jiro, wuxuuna markasta hor istaagaa kulamada lagama maarmaanka u ah inuu ka qeyb noqdo Maamulka Gobolka Benaadir, wuxuuna hadda arrintaas ku sii daray inuu cunaqabateye saaro Shacabka Muqdisho oo markaan usoo jeestay inay Soomaalida kale wax la qeybsadaan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa iska dhago tirayo horumarka u muuqdo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, waxayna dadka qaar u arkaan wasiirka inuu ka xun yahay horumarka ay sameenayaan Shacabka Muqdisho oo muddo sano ah kusoo jiray dagaal iyo dhibaato badan.

Shacabka Muqdisho ayaa dowladda iyo Maamulka cusub ka sugayo in wax badan lagu soo kordhiyo adeegyada asaasiga ah ee uu qabto Maamulka, midaasna waxaa xaqiiq ah inay u baahan tahay miisaaniyad kordhin.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ballan qaaday inuu Muqdisho ka dhisi doono Iskuulo cusub oo lacag la’aan ah, Isbitaalo badan oo dadka si bileesh ah lagu daaweeyo iyo adeegyo badan oo uu maamulka cusub diyaariyey in lagu soo kordhiyo Gobolka haddii miisaaniyada la dalbay loo kordhiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON