Arrin mucjiso ah ayaa laga soo weriyey degaanka Yoonbeys ee Gobolka Nugaal oo ilaa 100 KM u jira caasimadda Puntland ee magaalada Garowe, kadib markii qoys xoolaley ah ay arkeen xoolahooda oo ay gowracayaan wax aanay arkeynin.
Mucjisadan ayaa qabsatay qoyskan oo sheegay in muddo saddex maalmood ah ay la kulmeen arrin aanay weligood ku fekerin oo ah in hortooda lagu gowrcayo xoolahoodii, qaarkoodna candhada la jarjarayo, iyagoo markii hore aanay arkeynin waxa lagu gowracayo, balse ay markii danbe arkeen in loo adeegsanayo Mindiyihii Qoyskaasi lahaa.
Aabaha Qoyskan Cabdiwali Faarax Warsame ayaa sheegay inay in wadaado quraan ku arkhrinayaan Guriga Qoyska, laakiin weli ay socota arrintii, iyadoo degaanka Yoonbeys ee Gobolka Nugaal dadka degan ay si weyn ula yaabeen mucjisada ku habstay qoyskani.
HOOS KA DHAGEYSO QOF KA MIDA QOYSKA MUCJISADA KU DHACDAY OO KA WARRAMAYA