Ciidamada Jubba oo weerar ku ah Goobweyn & digniin ka soo baxday ciidamada taabacsan Barre Hiiraale

Ciidamada taabacsan Barre Hiiraale  ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo iyo deganka Goobweyn ayaa ka digay abaabul dagaal oo ay wadaan ciidamada Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe oo ku soo wajahan, iyadoo dhowaan dagaal labada dhinac dhex maray ay ku dhinteen 10 askari oo 8 kamida ay kasoo jeedaan maamulka Jubba.

Goobweyn0814
Sawirka waxaa ka muuqda socdaalkii wasiiro dowladda federaalka iyo IGAD ku tageen Goobjoogweyn Ogs 2014 ee heshiiska lagu gaaray

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kadib dagaalkii ugu danbeeyay ay maamulka Axmed Madoobe goostaan inay meesha ka saaraan maleeshiyada duleedka magaalada Kismayo fadhigoodu yahay ee raacsan Barre Hiiraale. Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ayaan aqoonsaneyn maleeshiyada ku sugan Goobweyn waxayna ku sheegaan inay ka tirsan yihin Alshabab.

 

Ad

Xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo, waxayna arrintan burbur ku keeneysaa heshiis ay Bishii Ogost ee sanadkii hore ka soo shaqeeyeen IGAD iyo dowladda Federaalka oo Barre Hiiraale lagu keenay Muqdisho, ciidamadii taabacsanaa ee dagaalka looga saaray magaalada Kismaayana duleedkeeda lagu dejiyay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version