Xildhibaan Daahir Jeesow: Mishiinka wada mooshinka Ra’iisal wasaaraha (Muxuu ku bedeshay?)

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu ka mid yahay xildhibaannada ugu afka dheer Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa "Online" oo macnaheedu yahay inuu xili kasta ku jiro la hadalka warbaahinta, saacad kasta oo weriye la soo xiriirana uu diyaar u yahay inuu u hadlo kooxda uu markaa la jiro isla markaana difaaco fekerkiisa.Muddodyinkii ugu danbeeyay wuxuu ku kacsanaa Wsaiirka arrimaha...

Maxkamadda Sare oo laga sugayo jawaab ku saabsan khilaafka madaxda dowladda iyo Mooshinka cusub

Maxkamadda sare ee dalka ayaa laga sugayaa inay dhowaan shaaciso sharcinimada mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo sharcinimada isku shaandheyntii uu Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ku sameeyay qaar kamida golaha wasiirada oo ahayd arrintii qarxisay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay dowladda. Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Ra'iisal wasaare C/weli uu qoraal u gudbiyay Maxkamadda sare ee...

IGAD iyo Beesha Caalamka oo madaxweynaha u sheegay inuu la heshiiyo Ra’iisal wasaaraha

Wakiilada ka socday Beesha Caalamka iyo dalalka IGAD ee ka qeybgalaya shirka Hiigsiga cusub ee magaalada Copenhagen ayaa siyaabo kala gaara ugu sheegay madaxweynaha in la heshiiyo Ra'iisal wasaarihiisa isla markaana soo gabagabeeyo khilaafka hareeyay xukuumadda, Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya. Wasiirada arrimaha dibadda IGAD ee ku sugnaa shirka ayaa kulan ay la qaateen  madaxweyne Xasan Sheekh ugu sheegay inay kula...

Wasiirada taageersan madaxweynaha oo isu diyaarinaya qorshe cusub (Akhriso)

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya garabka taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya qorshe cusub oo ay culeys hor leh ku saarayaan inuu is casilo. Qorshahan cusub ayaa yimid kadib markii uu socon waayay qoraal ay wasiirada taageersan madaxweynaha u gudbiyeen Ra'iisal wasaaraha iyagoo kula taliyay inuu xilka isaga tago. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saarayo wasiirada taageersan inay...

Yaa kooxda Ra’iisal wasaaraha u jooga shirka Copenhagen?

Iyadoo shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee hiigsiga cusub maanta ka furmayo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa waxaa shirkaasi Soomaaliya uga qeyb galaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo iyo madaxda maamulada kale ee dalka ka jira iyadoo ay dhinaca kale taagan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha. Wafdiga madaxweynaha ayaa ahaa...

Qorshe is-xanbaar siyaasadeed oo ku socda xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisal wasaaraha

XIldhibaano diyaariynaya Mooshin looga horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Qorshe cusub ayaa ka socda magaalada Muqdisho kaasoo ku saabsan loolanka siyaasadeed ee mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee lagu doonayo in kalsoonida lagala noqdo xukuumada C/weli Sheekh. Qorshahan ayaa ku saleysan in qaar kamida  xildhibaanada saxiixay mooshinka ka yaala Ra'iisal wasaaraha ay ka tanaasulaan mooshinkaasi iyagoo aan la dareemin, kana tagaan magaalada Muqdisho iyagoo u duulaya magaalooyin ay...

Xildhibaanno dib uga noqday saxiixii mooshinka Ra’iisal wasaaraha

Qaar kamida xildhibaanadii saxiixay mooshinka ka dhanka ah Ra'iisal wasaaraha ee khilaafka weyn ka dhex dhaliyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dib uga laabteen mooshinkaasi, kana baxeen kooxda taageersan madaxweynaha ee ololaha ugu jirtay ridista xukuumadda. Xildhibaanadan oo sii kordhaya ayaa xogta la helayo ay sheegeysaa inay gaareen in ka badan 10 xidhibaan, waxaana arrintan ka danbeeyay dadaal ay...

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo khilaafkoodii soo shaac baxay

XOG: Fadhiyadii Baarlamaanka oo u xayiran qorshe ay dejiyeen
Khilaaf iyo kala shaki muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa isu bedelay mid rasmi ah oo dibadda u soo shaac baxay kadib markii  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay si buuxa u aqoonsadeen doorashada Shariif Xasan Sh. Aadan loogu doortay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si hoose u waday...

Shariif Xasan oo ku sii jeeda shirka Copenhegan & madaxweynaha oo aqoonsaday

Madaxweynaha shalay lagu doortay shirkii maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya looga hadlayo ee ka furmay magaalada Copenhegan ee dalka Denmark, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Shariif Xasan oo shalay uun loo dooray xilkaasi oo muran badan ka taagan...

Liiska Magacyada wasiirada jagooyinka ee qoraalka u diray Ra’iisal wasaaraha (Xog cusub)

Waxaan halkan Akhristayaasha Goobjoogec.on ugu soo gudbineynaa liiska magacyada wasiirada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee taageeraya inuu is casilo Ra'iisal wasaarahooda, kuwaasoo oo xalay gudbiyay qoraal ay uga codsanayaan inuu tanaasulo Ra'iisal wasaaraha. Xubnahan ayaa loo balanqaaday inay xilalkooda ama ugu yaraan wasiirnimo dib ugu soo laaban doonaan haddii ay ka qeyb qaataan inay ridaan Ra'iisal wasaaraha, laakiin kuma dhiiran...

Guddoonka Baarlamaanka oo heshiis qarsoodi ah ka gaaray Mooshinka (Xog)

Saddexda mas'uul ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah wada gaaray kadib markii laba kulan oo Baarlamaanku lahaa ay furmi waayeen khilaaf ka taagan mooshin laga keenay xukuumadda Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed oo xildhibaanadu ku kala qeybsameen. Kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalla  Cawad   ayay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu la kulmo wafdi Mareykanka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu kulan la yeesho wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo doonayay inay kala hadlaan khilaafka ka dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya. Wafdigan oo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo gaaray aya kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiday inuu tago garoonka Diyaaradaha oo caadiyan ay ka dhici jireen...

Prof. Jawaari oo ka digay doorasho iyo Shariif Xasan oo isu diyaarinayo caleemo saar

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed  Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda shirka ka socda magaalada Baydhabo ee maamulka loogu dhisayo saddexda Gobol, isagoo sheegay in shirkaasi hakad ku jiro oo doorasho halkaas ka dhacdana aan la aqbali doonin. War saxaafadeedka ka dambeeyay kadib markii guddiga shirka wada iyo ergada ay ku dhawaaqeen inay maanta oo Isniin...

Maxaad ka ogtahay xildhibaanada loo balan qaaday jagada wasiirnimo?

Qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo balanqaaday in la siin doono jago wasiirnimo si loo helo taageeradooda, waxayna hadda safka hore uga jiraan olalaha lagu doonayo in lagu meel mariyo mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh. Xubnahan oo ah kuwa ugu afka dheer ee horboodaya mooshinka waxaa kamida: 1. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil: xildhibaankan wuxuu hore u ahaa...

Xildhibaanadii taageersan Ra’iisal wasaaraha oo ku qadeynaya xarunta Barlamanka

Xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa ku haray xarunta Baarlamaanka oo markale maanta shirkii la filayay ku qabsoomi waayay. Xildhibaanadan ayaa heesta qaranka ee "Soomaaliyeey Toosoo" ku qarqiyay guddoonka lagana furi waayay shirkii. Xildhibaanada ku haray xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay inay halkaasi ku qadeyn doonaan maanta oo...

“SOOMAALIYEEY TOOSOO” oo maanta lagu hakiyay shirkii Baarlamaanka!

Shirkii Baarlamaanka oo markale maanta loo balansanaa inuu furmo si loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa u hakaday qorshe cusub oo ay la soo baxeen taageerayaasha Ra'iisal wasaaraha oo bilaabay inay qaadaan heesta qaranka "SOOMAALIYEEY TOOSOO" oo ay la bilaabeen isla markii uu guddoonka soo fariistay shirka. Gudddomiyaha ayaa isku dayay inuu ku qanciyo...

MAANTA & MADASHA BARLAMANKA: SI TOOS ULA SOCO WAXA KA DHACAYA…

Shirkii lagu balansanaa inuu maanta ka furmo xarunta Baarlamaanka Muqdisho ayaa la filayaai nuu wax yar kadib furmo iyadoo xildhibaannadu hadda kuwoodii ugu horeeyay ay imaanayana xarunta. Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku adkeystay in shirka dib loo furayo lana qeybinayo mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh. Xildhibaannada taageersan Ra'iisal wasaaraha ayaa kadigay in mooshinka siyaasadeysan la isku dayo in mar...

Guddoonka Barlamanka oo isku dayay inuu shirka furo iyo hees ay qaadayaan xildhibaanada diidan mooshinka

Guddoomka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku dayay inuu goor dhoweyd furo shirkii maantal oo balansanaa ee la filayay in lagu qeybiyo mooshinka looga soo horjeedo Ra'iisal wasaaraha waxaana mar kale istaagay ilaa 100 xildhibaan oo odayaal waaweyn kadhex muuqdaan kuwaasoo oo bilaabay inay qaadaan heesta "SOOMAALIYEEY TOOSOO". Xilligan ayuu isku dayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu furo shirka waxaa durba bilowday hees ay ku dhifteen...

DEGDEG: Qoraalo lagu diidan yahay mooshinka oo lagu soo bandhigayo shirka Barlamanka

Waxaa muuqata in si ula kac ah guddoonka Baarlamaanka u daahiyay furista shirkii lagu balansanaa ee Barlamaanka oo la filayay in lagu qeybiyo mooshinka laga keenay Ra'iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed. War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ay la soo baxeen qoraalo cabasho ah oo ay ku diidan yihiin in mooshinka la furo. Iyadoo aanu...

Sidee lagu helaa xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisal wasaaraha? (Xog yaab leh)

Tan iyo markii uu dibadda u soo baxay khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed 25-kii Oktoobar 2014, waxaa hadba soo shaac baxayay warbixino iyo xog muhiim ah oo ku xeeran khilaafka oo markii danbe loo tarjumay mooshin laga keenay Ra'iisal wasaaraha. Kooxda taageersan madaxweynaha oo hore olole noocan oo...
error: Content is protected !!