Wednesday, December 11, 2019
More

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya oo Gurigiisa ku marti qaaday Safiirka Imaaraadka Carabta (Sawirro)

    0

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

    C/raxmaan C/shakuur oo u jawaabay Sh. Xasan Daahir: “Wadaadka dhiigeyga banneeyay waxaa soo abaabushay Dowladda..”

    0

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa mar kale ka jawaabay hadal kasoo yeeray Wadaadka Xasan Daahir Aweys oo ku saabsanaa gefkii uu u geystay xadiis ka sugnaaday Nebiga NNKH, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya siiba Hay’ada Nabadsugida ee NISA inay soo abaabushay Xasan Daahir oo isagoo xanuunsana ay soo kicisay.

    Culimada Alshabaab oo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xukun ku riday, soona jeediyey in magaca laga bedelo

    Warbaahinta Alshabaab ayaa lagu faaqiday arrinta taagan ee ku saabsan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo faalso ama wax aan jirin ku tilmaamay xadiis ka sugan Nebiga NNKH markii uu soo qaatay qeyb ka mida xadiiska inay haweenka naaqus ka yihiin Diinta iyo Caqliga.

    Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka qarxay Gobolka Mudug

    0

    Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qarxay dagaal xoog leh oo u dhaxeeya maleeshiyo kasoo kala jeeda degaanada Puntland iyo Galmudug.

    Waqtiga ay Baarlamaanka hor tegayaan Wasiiro laga keenay Mooshinno la-xisaabtan ah oo la shaaciyay

    Guddoonka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay xilliga ay baarlamaanka hor imaanayaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo mooshinno laga keenay si wax looga weydiiyo shaqadaha Hay’adaha hoos yimaada.

    Xasan Sheekh: “Waqti Kordhinta Hay’adaha Dowladda waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka” [Akhriso Qoraal uu soo saaray]

    Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna.

    1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”.

    Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo.

    2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday.

    2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka iyo xarumaha AMISOM iyo UNka intaba. Haddane sidaas oo ay tahay nagama hor istaagin doorasho.

    Haddaba, haddii aan leennahay taariikh doorasheedkaas iyo waayo aragnimadaas, waa maxay duruufaha iyo masiibooyinka intaas aan soo sheegnay ka weyn ee aan la garaneyn ee siyaasiyiinta qaar ay arkaan.

    Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto.

    Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay.

    Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah.Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii.

    C/raxman C/shakur: “Dowladda Somalia waxay u ogolaatay Argagixiye Xasan Daahir inuu ku baaqo in Aniga la i dilo..”

    0

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran u ogolaatay inuu ku baaqo in la dilo isaga.

    Sh. Xasan Daahir: “C/raxmaan C/shakuurow waxaad mareysaa meeshii uu maray Salman Rushi haddii aadan towbad..”

    0

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Soomaaliya, kana mida culimada aasaasay maxkamadihii islaamiga, Xisbul Islaam, kadibna Alshabaab ku biiray intii aanu isu dhiibin dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay arrinta ku saabsan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee ah inuu ku gefay xadiis ka sugnaaday Nebiga NNKH.

    Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dilay Guddoomiyaha degmada Aw-dheegle

    0

    Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbeysay dilka Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo maanta ku dhintay Qarax Miino oo lagu qaaday Gaari uu la socday agagaarka degaanka Sabiid ee Gobolka Sh/Hoose.

    Guddoomiyihii Degmada Awdheegle oo lagu dilay Qarax loo dhigay Gaarigiisa & Wararkii ugu danbeeyay…

    0

    Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelelaha Hoose ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay Qaraxa loo dhigay Gaarigiisa meel u dhaxeysa Degaanka Sabiid.

    C/raxman C/shakur: “Ma ahi Caami dhega-wayn oo wadaad Kitaab gaablow ah bursan karo” [Jawaabta xadiiskii lagu eedeeyay inuu..]

    Siyaasiga C/raxman C/shakuur Warsame ayaa si la yaab leh isaga difaacay eedeyn loo jeediyey inuu ku gefay xadiis ka sugan Rasuulka suban NNKH, isagoo dood adag kala hor yimid culimo uu ka mid yahay Sheekh C/qaadir Soomow oo ka dalbaday inuu towbad keeno.

    AKHRISO: Mooshinka Maxkamadeynta iyo xika ka qaadista Madaxweye Trump iyo Qodobadda lagu soo eedeeyay

    0

    Guddiga Koongareeska Mareykanka u qaabilsan Baarista iyo Sirdoonka ayaa si rasmi ah Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay awoodihiisa una adeegsaday dano shaqsiyeed oo gaara.

    Nin isku dayey inuu Weerar Qarax ah ka geysto Muqdisho oo gacanta lagu dhigay & NISA oo soo bandhigtay

    0

    Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay muuqaalka Nin la sheegay inuu weerar Bam Gacmeed geysan rabay, iyadoo ayc iidamada gacanta ku dhigeen intii uusan falkaasi fulin.

    Maamulka G/Banadir oo soo bandhigay Diyaargarowga Qeybta Gurmadka ee Roobabka kusoo wajahan Dalka [Sawirro]

    0

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ayaa soo bandhigay diyaargarowga qeybta gurmadka degdegga ah oo heegan la geliyey, kadib markii laga digay roobab waaweyn iyo duufaano kusoo wajahan Soomaaliya.

    Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Dalka Qatar ku casuumay Shir Madaxeedka Khaliijka ee magaalada Riyaad

    0

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa casuumaad u diray Amiirka Dalka Qatar Hamad Bin Khaliifa Althani, iyadoo uu ku casuumay ka qeybgalka shirka dalalka Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyaad.

    AKHRISO: Magacyada Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle [Isku-shaandheyn kooban]

    Madaxweynaha maamulka Hirsahbeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib ugu laabtay caasimadda maamulka Hirshabeelle ee Jowhar oo uu muddo bil ka badan ka maqnaa isagoo ku sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledwwyne.

    Sheekh Soomow oo ka dalbaday C/raxmaan C/shakuur inuu meel fagaare ah ku towbad keeno [Akhriso Sababta]

    0

    Sheekh C/qaadir Soomow ayaa ka dalbaday syaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame inuu meel fagaare ah ku towbad keeno, kadib markii uu ku gefay xadiis ka sugnaaday Rasuulka SCW kuna sheegay inuu yahay xadiis faasid ah.

    AKHRISO: Magacyada Odayaasha & Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee lagu xiray Boosaaso & Diidmada Imaaraadka oo sii kordheysa

    Xukuumadda Puntalnd ee Madaweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xariga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgarada Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka.

    Ganacsatada Kalluunka magaalada Muqdisho oo Shaqo joojin ku jira & Canshuur lagu kordhiyey…

    0

    Qaar ka mida Ganacsatada Kalluunka magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii lagu kordhiyey cashuurta ay ka qaadi jirtay dowladda Somalia.

    Xoghayihii laga saaray Xisbiga Sheekh Shariif oo shaaciyey arrimaha ay isku qabteen & sida uu ku taageeray Xukuumadda

    Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey sababtii keentay inuu xisbiga laga saaro, wuxuuna soo dhoweeyay inuu ka tago xisbigaasi.

    error: Content is protected !!