Sunday, July 13, 2025

Muxuu ka Dhigan Yahay Go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (Qormo Sharci-yaqaan oo muhiim ah)

-

Go’aanka maxkamadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa go’aankii la sugayey ee dacwadda Xadaynta Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Keenya soo saartay maanta. Soomaaliya ayaa 2014kii waxa ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku codsanayso in la calaammadeeyo xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya illaa dhul badeedka ka dambeeya qalfoof badeedka.

Labada dal waxa ay gudubsadeen dooddoodii oo qoraal ah iyo jawaabo qoraalladaas khuseeya. Dhagaysiga dacwadda Keenya wey ka maqneed, laakiin maxkamaddu way guda gashay sida uu qabo xeerka maxkamadda. Waxa aan hoos si kooban ugu faahfaahinayaa go’aanka maxkamadda.

1. Waa jireen heshiis ay galeen dalalkii gumaysaneyey Somaaliya iyo Keenya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo khuseeyey barta xuduudka,laakiin xad badeedka u dhaxeeya labada dal weligiis qaab sharci ah looma xadeyn. Keenya dhulka dacwaddu khusayso waxay ay ka ijaaatay shirkado inta aan dacwaddu billaaban. Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneed in ay maxkamadda weydiisato in si joogto ah loo xadeeyo xuduud badeedka labada dal u dhexeeya.

2. Dooddii Keenya oo ahayd xudduud badeedka labada dal u dhexeeya waa xadaysan yahay oo heshiis ayaa lagu yahay isaga oo ku salaysan xarriiqa ku dherersan xadka (parallel of latitude). Waxa ay Keenya sheegtay in ay 1979kii iyo 2005tii sheegteen xadkooda, Soomaaliyana ayna ka hor imaan oo aamusnaan ku aqbashay.
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Xeerka Biyaha Badda ee Keenya oo soo baxay 1972dii iyo Xeerka Qaybaha Badda oo 1989kii oo Keenya oo soo baxay ay ka hor imaanayaan sheegashadaas. Sidoo kale sharciyo Soomaaliya soo saartay 1988 iyo 1989 ayaa diidaya doodda Keenya oo ah Somaaliya way aqbashay cabirka Keenya.

Tan kale, gudbintii codsigii kordhinta qalfoof badeedka oo ka dambeeya 200 bayl badeed ee Soomaaliya iyo Keenya gudbiyeen 2009kii ayaa taas ka hor imaanaya. Waxa kale oo maxkamaddu sheegtay in Heshiiskii Isafgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Keenya galeen uu sheegashadaas ka hor imaanayo isaga oo qorayey in aan xuduudku calaamadaysayn oo labada dal ka heshiin doonaan. Maxkamaddu waa diidday doodda Keenya oo waxa ay sheegtay in ayna Soomaaliya si cad oo joogto ah u aqbalin xuduudkaas Keenya sheegatay, xad badeedka labada dal u dhexeeyana uuna xadaysnayn.

3. Keenya waxa kale oo ay ku doodday haddii laga diido in xad badeedka labada dal u dhexeeya uu callaamadaysan yahay, in hadda la xadeeyo iyada oo xarriiqa lagu dhererinayo barta xadka (parallel of latitude). Maxkamaddu dooddaas way ka diidday dalka Keenya oo waxa ay qaadatay qaabkii Soomaaliya dalbatay oo ahaa nidaamka equidistance. Maxkamaddu waxa ay qaabkaan u martaa saddex waji sida ay ku sharraxday kiiskii Xadaynta Badda Madow oo ku dhexeeyey Romania iyo Ukraine.

Marka hore waxaa la samaynayaa xariiq ku meel gaar ah. Wejiga labaad waxaa la qiimeeyaa haddii ay jiraan duruufo keenaya in laynka la qalloociyo oo adjustment lagu sameeyo. Midda saddexaadna waxaa la fiiriyaa in xariiqa ama sidiisa ha ahaado ama hala qalloociyee uu saami ahaan saxan yahay (proportionality test).

4. Kenya waxa ay ku doodday in ay jiraan shan arrimood oo keenaya in xarriiqa la qalloociyo.

– Tan koowaad, waa arrin amniga khusaysa oo walwal ayaan ka qabnaa ammaanka marka la fiiriyo xaalka Soomaaliya ayey ku doodday. Maxkamadda waa diidday dooddaas oo waxa ay sheegtay in xaalka Soomaaliya ahayn mid joogto ah oo uu isbeddeli doono, ammaan darrada dhulkana ayna qasab ahayn in ay badda saamayso.

– Tan labaad, Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka gobolka iyo sida ay badda u xadeeyaan ay keenayso in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu waa diidday dooddaas.

– Tan saddexaad Keenya waxa ay ku doodday in kalluumaysatadeeda ayna helayn meel ay maraan. Maxkamadda taasna waa diidday oo waxaa ay sheegtay in meelaha kalluumaysatadu ku xirtaan inta badan ayna ahayn dhulka dacwadu khusayso.

– Tan afaraad Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka labada dal oo ku aadan baaritaanka shidaalka iyo kormeerka ciidammada badda ay tahay in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu dooddaanna way diiday.

– Tan shanaad oo Keenya ku doodday ayaa ahayd in ay marinka badda ka soo xirmayo oo aad u yaraanayo. Maxkamadda iyada oo xiganaysa kiis Arbitral Tribunal qaadday oo u dhexeeyey Guinea/Guinea-Bissau in gobolka Galbeedka Afrika oo dhan la tixgeliyey. Hadda ay maxkamaddu tixgelisay xadka Soomaaliya, Keenya iyo Tanzania. Maxkamaddu waxa ay caddeysay in ayna heshiiska Keenya iyo Tanzania ayna saamayn ku lahayn tixgelinta.

5. Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in biyaha badda Soomaaliya (territorial waters) oo ah 12 mayl badeed laynka sida Soomaaliya u rabtay ahaanayo oo aan la qalloocinayn ama adjustment lagu samaynayn.

6. Maxkamaddu waxa kale oo ay go’aamisay in xarriiqa dhanka waqooyi loo qalloociyo laga billaabo dhamaadka biyaha Soomaaliya illaa 12 mayl badeed wixii ka dambeeya taas oo lagu yaraynayo soo xirmidda xeebta Keenya iyada la tixgelinayo tan Soomaaliya , keenya iyo Tansaaniya taas oo keentay sida ay joqoraafi ahaan u samaysan yihiin xeebaha dalalkaas. Maxkamaddu inta badan dalalka dacwadu dhextaal ayey xeebahooda tixgelin jirtay ee gobolka oo dhan ma tixgelin jirin.

7. Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxa ay si sharci ah oo kama dambays ah u xadaysay xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo keenya. Waxa ay aqbashay dooddii Soomaaliya inta badan. Xaqiiqa dhanka waqooyi loo qalloociyey waxa uu dhulkii dacwaddu khusaysay qayb aan badnayn siinayaa Kenya. Maxkamadda marka ay tixgelisay doodaha, xaaladda gobolka sidaas ayey xal u aragtay. Waxaad moodaa in qaab guul-guul ah ay ku dhamaysay oo ayna qaanuunka keliya ku ekaan.

8. Go’aanka maxkmadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay. Garsoore Dr Abdiqawi Yusuf oo ah khabiir Soomaaliyeed oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda ayaa fikir gooni ah oo uu go’aammada qaar ku diiddan yahay soo bandhigay.

Tusaale ahaan waxa uu duray meesha laga billaabay xariiqa oo uu tilmaamay in ayna sax ahayn. Tan kale waxa uu diiday oo khalad ku tilmaamay in aan tixgelinta lagu ekayn Soomaaliya iyo Keenya laakiin Gobolka dhan la tixgeliyey oo uu ugu yeeray ““judicial refashioning of geography”. Waxa kale oo Garsoore Abdulqawi in soo xirmidda badda Keenya(serious cuff-off) ayna ahayn mid la arki karoo o aan meesha oollin.

9. In kasta oo sidii aan wax u rabnay aanan u wada helin , haddana Soomaaliya go’aankaan guul weyn ayey u tahay. Waa midda koowaad, dalkayaga oo ah dal ka soo kabsanayey colaado daba dheeraaday, in aan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah kiis gaynay oo aan helnay xadayn sharci ah oo kama dambayn ah. Tan labaad, maxkamaddu waxa ay aqbashay inta badan dooddihii Soomaaliya. Tan saddexaad, dhul badeedkii kiisku khuseeyey inta badan waxaa loo xukmiyey Soomaaliya.

10. Labada dal oo deriska ah Soomaaliya iyo keenya waxaa la gudboon in ay aqbalaan go’aanka maxkamadda, laguna wada noolaado deris wanaag. Dalalka kiisaskooda lagu qaado maxkamadda inta badan waa kuwo deris ah, kamana dhigna in ay cadow isku yihiin. Xaqeennii si wanaagsan ayaan u difaacannay, waana muhiin in midnimo la muujiyo.

W/Q: Ahmed Ali M Khayre, PhD

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you