Friday, July 11, 2025

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Arrintan ayuu sabab uga dhigay in Mareykanka iyo reer galbeedka ay xilligan aqoonsi siinayaan ururka argagixisada Al-Qaacida ee dalka Syria, isla markaana ay jiraan warar sheegaya inuu Mareykanku wadahallo hoose la furay kooxda Alshabaab ee Soomaaliya.

Warkan waxaa bartiisa X ku baahiyay afhayeenka Ciidamada difaaca Uganda Col. Chris Magezi oo soo xigtay Taliyaha ciidamada UPDF Jen. Muhoozi.

Wiilk uu dhalay madaxweynaha Uganda ee ugu sareeya ciidamada dalkaasi waxaa laga soo xigtay inuu yiri: “Mareykanka iyo reer Galbeedkii dhan waxay aqoonsanayaan ururka Al Qaacida ee Syria. Xitaa walalaalaheen Israa’iil waxay u muuqdaan inay arrintan ogolaadeen.. Waxaa kaloo weliba maqalnay in Mareykanka uu wadahadal la Al-Shabaab-ka Soomaaliya”

Jen. Muhoozi Kainerugaba wuxuu intaas sii raaciyay talo uu u diray aabihiis Yoweri Musaveni oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada Uganda, isagoo yiri: “Waxaan Taliyaheena iyo hoggaamiyaheena weyn ugu baaqayaa inuu ka fekero 18 sano kadib sidii aan ciidamadeena ugala soo bixi lahayn Soomaaliya”

Ma cadda in mowqifkan uu keli ku yahay wiilka Masaveni iyo in kale, balse wuxuu kusoo beegmay iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM uu wajahayo dhaqaalo la’aan, waxaana muuqata in Uganda ka careysay tahay dhaqdhaqaaqyada ay wado maamulka Donald Trump ee Mareykanka.

Dhinaca kale Jen. Muhoozi Kainerugaba oo isu diyaarinaya inuu xukunka kala wareego Aabihiis 80- jirka ah ayaa wuxuu caan ku yahay hadallo aan laga fiirsan oo sababay inuu xumaado xiriirka ay Uganda la leedahay dalal dhowr ah.

Qoraalkii ugu weynaa ee khilaafka dhaliyay wuxuu ahaa markii uu sheegay inay ciidamada Uganda muddo Laba toddobaad ah ku qabsan karaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu kaloo bartiisa X ku faafiyay inuu dalkiisa ka barbar dagaalami doono Masar haddii ay dagaal gasho xilli ay xiisad kala dhaxeysay dalka Masar, inkastoo markii danbe uu ka laabtay. Bartiisa X oo ay ku xirnaayen in ka badan 1.2 Milyan oo qof ayaa hawada ka maqan muddo bilo ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON