Xeradii Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho oo ay boobeen Ciidamo & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad qas ah iyo boob uu ka dhacay xero ay Imaaraadka Carabta ku tababarri jireen ciidamada Soomaaliya, magaalada Muqdisho.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada Imaaraadka ee  magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay Boobeen agabkii looga tegay Xarunta, kadib markii ay ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee halkaasi ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay qaateen Agab, qalabka lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka, waxaana dadka degaanka u dhow xeradaasi ay sheegeen in ciidamada ay isku qabsadeen agabkaasi, kadibna dadweyne ka ag dhowaa ay galeen xerada.

Saraakiishii ciidamada Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo qalab ay u baahnaayeen, waxaana la sheegay inay ciidamada u sheegeen inay kala tagaan.

Dhinaca kale taliska ciidamada milateriga ee Xerada Gen, Gordon ayaa beeniyay in boob ka dhacay xerada, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin wax hub ama gaadiid ah oo laga qaatay xerada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version