Akhriso: 9-ka Dal ee heysta Hubka Niyukliyeerka iyo Amarka ugu danbeeya ee lagu adeegsan karo
Waxaa xilligan soo kordhay cabsida ah in Hubka Niyukliyeerka la adeegsado, kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu heegan geliyey ciidamadiisa gacanta ku haya Hubka Niyukliyeerka, xilli uu socdo dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.
Adeegsiga hubka Nukliyeerka ah oo ugu halisan hubka uu aadanuhu sameeyay ayaa geysan kara bubur lagu baaba’o, haddaba waxaa la is weydiinayaa cidda go’aan ka gaari karta in la rido ama la adeegsado Hubka Nukliyeerka ah, iyadoo ay 9 dal oo Dunida aj heystaan Hubkan.
Warbixin uu qoray waregeyska Le Point ee Faransiiska ayaa salka ku heysa Daraasad ay diyaariyeen laba khabiir oo juquraafiga ah, kaasoo uu ku kala saaray qeybood oo kala ah: Isticmaalka hubka nukliyeerka iyo Cidda awood u leh ee bixisa amarka ugu danbeeya ee in la adeegsado.

Go’aanka ridista hubkan waxaa inta badan bixiya madaxweynaha dalkaasi, sida Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya , halka dalalka kale ay guddiyo iyo Hay’adaha Amniga Qaranka la wadaagaan.

Warbixinta ay qoreen khubarada Jeffrey Lewis iyo Bruno Tartree, waxay sheegeysaa Awoodda Hubka Nukliyeerka ee Dawladaha ku hubaysan Hubkan, sida go’aanka isticmaalka hubka Nukliyeerka.
9-ka dal ee heysta hubka Niyukliyeerka sida loo go’aamiyo in la adeegsado waxay kala yihiin:
Maraykanka
Dalka Maraykanka, sharcinimada uu madaxweynuhu helo marka la doorto ayaa siinaysa awood toos ah oo degdeg ah arrimaha Nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu awood u leeyahay inuu amro isticmaalka hubka nukliyeerka isagoo ah madaxa ciidamada qalabka sida, laakiin riixitaanka badhanka nukliyeerka ayaa u baahan yahay amarro taxane ah oo ay tahay in ugu dambeyntii ay ansixiyaan laba qof.
Ruushka
Ruushka, oo uu madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ogolaanshaha isticmaalka hubka nukliyeerka waxaa bixiya: madaxweynaha, wasiirka difaaca, iyo taliyaha guud ee ciidamada. Ogolaanshahan waxaa lagu bixin karaa laba siyaabood: iyadoo loo marayo taliska iyo shabakada kontoroolka elektaroonigga ah ee Kazbek ee Ruushka, ama iyada oo loo marayo nidaamka xakamaynta hubka nukliyeerka ee wakhtiga qaboobaha ee loo yaqaan Perimeter.
Putin ayaa laga cabsi qabaa inuu hubkaasi adeegsado, kadib markii uu toddobaadkan heegan geliyey ciidamadiisa haya hubkaasi, waxayna arrintan dhalisay dood weyn oo ku saabsan inuu dagaalkii saddexaad ee dunida noqdo mid la isku adeegsdo Hubkan halista ah.

Ingiriiska
Dowladda UK waxaa go’aanka ridista Hubka Nukliyeerka ah leh Ra’iisul Wasaaraha, laakiin amarkan ma dhici karo, iyadoo aan lagala tashan Boqorada ama Boqorka UK, waxaana taariikhda dalkan ay muujineysaa in la isticmaalo hubka Nukliyeerka ah. Hubka nukliyeerka ayaa noqon doona “go’aan wadareed wasiir”, iyadoo la ilaalinayo dhaqanka Ingiriiska.
Faransiiska
Faransiiska, wuxuu dastuurka dalkaasi dhigayaa in madaxweynaha uu yahay madaxa ciidamada qalabka sida, kaas oo u oggolaanaya inuu isticmaalo hubka nukliyeerka. Inkastoo aysan jirin wax ku waajibinaya inuu kala tashado mas’uuliyiinta kale , go’aanka isticmaalka hubka nukliyeerka waxaa lagu xaqiijiyaa “silsilad amniga”, iyo sidoo kale “silsiladda fulinta” ee ra’iisul wasaaraha, kormeeraha hubka nukliyeerka, iyo madaxda gaarka ah oo ka mida taliska ciidamada.

Shiinaha
Dalkan, ciidamada Nukliyeerka ee Shiinaha ayaa hoos taga guddiga dhexe ee militariga ee xisbiga shuuciga, kasoo uu hogaamiyo madaxweynaha China, guddigan wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood, oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga, madaxa shaqaalaha iyo wakiillo ka socda koox kasta ciidamada qalabka sida ka mida.
Marka la eego in madaxweynaha uu yahay qofka kaliya ee rayidka ah ee ku jira guddiga dhexe ee ciidamada, waxaan shaki ku jirin inuu go’aanku isaga u gaar yahay, balse waa inuu la tashado mas’uulka ugu muhiimsan siyaasadda dalka – Guddiga Joogtada ah ee Siyaasadda
Israa’iil
Sida uu qabo dastuurka, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wax awood ah uma laha ciidamada dalkiisa, waxaana go’aannada difaaca go’aamiya guddiga heer wasiir ee qaabilsan amniga qaranka oo ka kooban 7-10 xubnood oo wasiirada dowladda ka tirsan.
Hindiya
Hindiya, in kasta oo Madaxweynaha uu yahay taliyaha ciidamada qalabka sida, kaliya Golaha Siyaasadda, oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa loo oggol yahay isticmaalka hubka nukliyeerka. Go’aanka Hubkan wuxuu u yaallaa Ra’iisal Wasaaraha, balse ma amri karo in la riixo badhanka Nukliyeerka ridaya, haddii aanu ogolaansho ka haysan La-taliyaha Amniga Qaranka.
Pakistan
Ciidamada Nukliyeerka ee Pakistan ayaa tan iyo sanadkii 2007 hoos tegi jiray maamulka ‘National Command Authority (NCA)’, waxaana hogaanka guddigan oo horey loogu aaminay Madaxweynaha, kadibna waxaa lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha sanadkii 2009-kii.
NCA waxay gaartaa go’aan kasta oo lagu isticmaalo hubka nukliyeerka oo u baahan in wadajir loo gaaro, haddii aysan taasi dhicin waxaa amarka leh afhayeenka NCA. Ra’iisul wasaaraha iyo madaxa dowladda labadaba waa inay oggolaadaan hawlgelinta xeerarka loo baahan yahay si loo qeexo hubka nukliyeerka.
Kuuriyada Waqooyi
Inkasta oo ay jirto xog yar oo laga helayo barnaamijka hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi, haddana waxa ay u muuqataa in “loo isticmaali karo oo keliya amarka Taliyaha ugu sarreeya ee Ciidanka Kuuriyada Waqooyi”, iyadoo la raacayo sharci soo taxnaa 2013-kii, mas’uuliyaddana waxay saaran tahay madaxda ciidamada oo ah hoggaamiyaha Kim Jong-un.