Sunday, February 5, 2023

10 Sano Shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin Waddooyinka la xirayo (Qormo)

-

- Advertisement -

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

- Advertisement -

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

W/Q: Xildhibaan iyo musharax hore oo Madaxweyne
C/raxman C/shakuur Warsame

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo soo riday Buufinkii Shiinaha ee khalkhalka geliyay

Diyaaradaha dagaal ee Maraykanka ayaa soo riday Buufin-kii Shiinaha oo la sheegay inuu ahaa mid basaasnimo loo adeegsaday, kadib markii uu galay hawada Mareykanka. Buufinkaasi...

Jeneraal iyo Ciidamo uu wato oo ka hor yimid Diiwaan gelinta Doorashada Puntland

Taliye ka mida ciidamada Puntland ayaa dingiin kasoo saaray in diiwaangelin doorasho la isku khilaafsan yahay laga sameeyo Gobolka Nugaal, gaar ahaan caasimadda Puntland...

Heshiis laga gaaray khilaafkii Doorashada K/Galbeed iyo Lafta-gareen oo helay muddo kororsigii..

Waxaa Xalay saqdii dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo Shirkii Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, iyadoo laga soo...

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay iyo tilmaan laga bixiyay

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka la wareegay, iyadoo xaflad lagu maamuusay uu ka qeyb galay Ra'iisal wasaare ku...

ATMIS oo Faahfaahin kasoo saartay Nin ay Ciidamadooda toogasho ku dileen Muqdisho

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa faahfaahin kasoo saaray fal ay ciidamadeeda jooga Muqdisho ku dilaan Nin dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa...

Alshabaab oo shaacisay magacyada Dableydii weerartay xarunta G/Banadir iyo Kenyan ka mida

Alshabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay shaacisay magacyada debleydii weerar k uqaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Kooxdan oo ka koobneyd 6 midkood is...

Buufin Shiinaha wax u Basaasaya oo lagu arkay hawada Mareykanka iyo Xiisad ka dhalatay

Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa galay xaalad degdega markii hawada Mareykanka uu soo galay Qalab Buufin weyn ah oo la sheegay inuu leeyahay Shiinaha,...

XOGAHA QARSOON

Alshabaab oo shaacisay magacyada Dableydii weerartay xarunta G/Banadir iyo Kenyan ka mida

Alshabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay shaacisay magacyada debleydii weerar k uqaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Kooxdan oo ka koobneyd 6 midkood is...

XOG: Xaalad ka taagan Ciidamada laga keenay Eritrea iyo Madaxweynaha oo mar kale la kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii saddexaad maanta tegay xerada ay ku jiraan ciidamada lagu soo tababaray dalka Eriteria oo la sheegay inay...

Sidee Alshabaab ku galeen Xarunta Gobolka Banadir? (Warbixin weerarka oo lasoo af-jaray)

Weerarkii Ashabaab ku qaaday xarunta maamulka Gobolka banadie ee magaalaad Muqdisho ayaa lasoo afjaray maqribnimadii caawa, kadib shan saacadood dagaal ka dhex socday dableydii...

XOG: Musharixiinta Mucaaradka K/Galbeed oo loo diiday inay ilaalo la tagaan Baydhaba

Musharixiinta Mucaaradka ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaan weli tegin magaalada Baydhaba oo lagu waday inuu maanta ka furmo shirkii dib u heshiisiinta K/Galbeed. Wararka...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!