Monday, September 8, 2025

15-KA MAY 1990: Maalintii Talladu seegtay Madaxweyne Siyaad Barre (Qormo muhiim ah)

-

W/Q. Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

Waa bartamihii bishii May 1990 iyo Kulliyaddii Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda, jawiga subaxaasi waa uu ka duwan yahay kii maalmihii iyo bilihii la soo dhaafay, dareen ayaa jira, ardaydu labo-labo iyo saddex-saddex ayay si hoose ugu faqayaan, dhawr arday oo aanu fasalka wada dhiganaynay ayaa eheladoodii xabsiga loo dhaadhiciyay, waa Ruqiya, Nadiifo iyo Cismaan. Xilligii rawaxaadda ayaa la gaaray, waxaan u soo dhaqaaqay dhankii xaafadda markii aan sii dhaafayay dhismihii Kulliyaddii Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ii dhawaaqay saaxiibkey Sahal oo halkaa wax ka baranayay wuxuuna si hoose iigu yiri: Adeer waa la xiray! Sahal adeerkiis waxa uu kamid ahaa madaxdii Jaamacadda Ummadda.

Qarsoodi ma ahayn waxa kulmiyay xariga afartaa oday ( Ruqiya saygeeda, Nadiifa Aabaheed, Cismaan walaalkii iyo Sahal Adeerkii) iyo rag kale oo magac iyo maamuus ku lahaa dalka oo dhamaantood dharaartaa xabsiga loo dhaadhicyay, waxaase jirtay in maalimhii xabsigooda ka horeeyay la hadal hayay in xukuumaddii uu ra’iisalwasaaraha ka ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo dhawr bilood uun jirtay markaa, wasiirradeeduna u badnaayeen dhalinyaro aqoonayhanno ah, inay wadahadal la geli doonto odayaal isu xilqaantay inay talo wax ku ool ah oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo u jeediyaan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Eedda loo haystay odayaasha oo tiradoodu 100 kor u dhaaftay, isuguna jiray siyaasiyiin, danjirayaal, saraakiil, aqoonyahano, culimo, ganacsato, cuqaal iyo garyaqaanno ay kamid ahaayeen Madaxweyne Aadan Cadde, Guddoomiye Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Xaaji Muuse Boqor, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Cali Shido Cabdi, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, Maxamed Siciid Ciiyoow “Gentleman”, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Xaaji Maxamed Cabdulle Furre, Xasan Dhimbil Warsame, Professor Ibraahim Maxamuud Abyan, Cali Mahdi Maxamed, Xaaji Baynax Barre, Xuseen Xaaji Bood, Maxamed Faarax Siyaad, Cabdicasiis Nuur Xirsi, Cali Maxamed Oosbito, Axmed Daahir Sheel, Maxamed Cali Xaashi, Sheekha Muuddeey, Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan, Cismaan Axmed Rooble, Maxamuud Xaaji Cabdullahi Qore… waxa ay aheyd in ay qoraal ka kooban 6 bog oo ay uga hadlayaan xaaladda adag ee uu dalku marayay maalinkaa iyo sida ay tahay in lagu badbaadin karo ay u direen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (Eeg lifaaqa 2-aad)

How Siad Barre's strategy pushed him out of power | Somaliland Monitor

Qoraalku waxa uu si kooban u soo bandhigay xaaladda amniga, tan siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dalku ku sugnaa, waxa uuna soo jeediyay talooyin sahlan oo suurogal ka dhigaya in wax laga qabto mashaakilkii dalku waajahayay, kuwaa oo maalinba maalinta ka dambaysa sii cuslaanayay. Waxa uu qoraalku dul-istaagay 5 qodob oo saldhig u ahaa culaysyadii jiray kuwaa oo u dhignaa sidatan:

  1. Dagaal Sokeeye
  2. Nabadgelyo La’aan
  3. Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka
  4. Maamul Xumo Dowladeed
  5. Burbur Dhaqaale

Qoraalku waxa uu tibaaxay in hannaanka keliya ee xal waara lagu gaari karo uu yahay in la helo “Isbaddal Taam ah oo Xukuumadeed” iyo in dib loogu laabto nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dalka ka hirgalay markii uu xorriyadiisii qaatay 1960. Waxa kale oo uu qoraalku xusay si loo fududeeyo hirgelinta isbeddel micno sameeya in loo baahan yahay baab’inta “sharciyada xuquul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida:

– Sharciga 10 Jan. 1070, Lr. 01 Awoodda Xarigga
-Sharciga 10 Jan. 1970. Lr. 03 Dhismaha Maxkamadda Badbaadada
-Sharciga 15 Feb. 1970. Lr. 14 Dhismaha Hey´adda NSS
-Sharciga 10 Sept. 1970. Lr. 54 Ilaalinta nabadsugidda Qaranka
-Sharciga 10 Okt. 1970. Lr. 64 Baabi’inta Habeas Corpus
Sharciga 10 Nov. 1970. Lr. 67 Difaaca Bulshada
Sharciga 05 Abr. 1972. Lr. 38 Awoodda GSK ee Arrimaha
Garsoorka

Sidoo kalana in Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta dib loogu celiyo sidii ay ahaayeen intii aanu millatarigu la wareegin hoggaanka dalka “si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhameys tiran oo ay markaas suuragal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed”. Waxayna soo jeediyeen in la dhiso guddi ka kooban 13 xubnood oo qabanqaabiya shirweyne ay ugu yeereen “ Shirweynaha Suluxa iyo Bad-baadada Ummadda”, waxayna soo jeediyeen in guddigu ka koobnaado xubnaha soo soda (Eeg lifaaqa koowaaad)

  1. Xaaji Aaden Cabdulle Cusmaan – Madaxweyne Hore
  2. Sheekh Mukhtaar Maxamad Xusseen – Madaxweyne iyo guddoomiye Baarlamaan hore
  3. Xaaji Muuse Boqor – Wasiir hore
  4. Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble – Wasiir hore
  5. Dr. Maxamad Raajis Ahmad – Mudane Baarlamaan hore
  6. Maxamad Abshir Muuse – Taliye ciidanka biliiska hore
  7. Dr. Maxamuud Sheekh Axmad – Guddoomiye Maxkamad Sare hore
  8. Suldaan Duulane Rafle Guuleed – Odey dhaqameed Soomaaliyeed
  9. Cali Shido Cabdi – Guddoomiye ku-xigeyn SYL iyo Safiir hore
  10. Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – Odey Soomaaliyeed
  11. Xaaji Jirde Xusseen Ducaale – Ganacsade
  12. Sheekh Ibraahim Suuley – Caalim Diinta Islaamka
  13. Sheekh Shariif Sharafow – Caalim Diinta Islaamka

Qoraalkan iyo talooyinka uu xambaarsan yahayba waxa ay ahaayeen fursad qaali ah oo uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku furdaamin karay mawjadihii siyaasaddeed ee sida talantaaliga ah marba dhinac ugaga imanayay tan iyo markii uu ka badbaaday afgambigii fashilmay ee Gugii 1978, iyadoo 12-kii sannadood ee xigay uu si joogto ah ula kulmayay turunturooyin siyaasaddeed oo aanu si xikmadaysan u maaraynin, kuwaa oo ugu dambayntii dhaliyay dhibaatooyinka ay odayaasha talada siiyay ku tibaaxeen qoraalkooda.

Halkii uu Madaxweynuhu ka eegi lahaa nuxurka qoraalka, fiirinna lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu muddo ku filan hoggaanka u hayay, ma uusan yeelin ee waxa uu dib u jalleecay shalay iyo Oktoobar 1969, maalinkii uu xilka kala wareegay Xisbigii SYL oo qolyaha hormuudka u ah qoraalka talooyinka xambaarsan ay yihiin madaxdii hoggaanka u haysay Xisbiga iyo Xukuumaddii uu talada kala wareegay. Sida muuqata Madaxweynuhu waxa uu is weydiiyay sidee ayay qolyihii aad shalay dalka ka badbaadisay ugu fekeri karaan maanta inay adiga dalka kaa badbaadiyaan?! Su’aashaasu waxa ay aheyd mid maangal ah, waxa aanse maangal ahayn falceliskii uu qaaday oo isugu jiray inuu taladii diiday iyo in odayaashii talada u soo jeediyay uu xabsiga u taxaabay.

Waxay aheyd haddii uusan qolyahan ku kalsoonayn in uu talada qaato oo baadigoobo dad kale oo ku habboon furdaaminta dhibaatooyinkii dalka ka aloosnaa, haseyeeshee ma dhicin taasu, oo Madaxweyne Siyaad iyo saaxiibadiisii ay talowadaagga ahaayeen waxa ay go’aansadeen inaan loo joojin, odayaashanna xabsiga loo taxaabo, si aanay mar dambe ugu fikirin in ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan, saxiixayaasha qaarkood eheladooda ayaa loo sheegay inay ceshadaan oo ku qasbaan inay beeniyaan in ay qoraalka wax ka ogaayeen!.

Odayaasha badankoodu ma ahayn kuwa xabsigu ku cusub yahay, ee iyaga iyo xabsigu waxa ay ahaayeen wehel iyo wedaay, sanado badan oo noloshooda kamid ahna halkaa ayay ku soo qaateen. Waxayna ahaayeen dad ( da’ ahaan) horay u batay, cabsi gooyay, arkayayna qarankii ay xorriyadiisa muruq, maskax iyo maalba geliyeen oo gebi ka sii dhacaya. Welwelka ugu weyn ee haystay waxa uu ahaa madax-adaygga Madaxweyne Siyaad iyo qar iska- tuurnimada jabhadihii hubaysnaa. Waxaa u caddayd haddii aan la helin gogol lagu wadahadlo iyo is-beddel siyaasaddeed oo ku yimaada qaab nabadeed oo dimuqraadi ah in dalka iyo dowladnimaduba burburi doonaan.

Madaxweyne Maxamed Siyaad fursaddii qaaliga ahayd waa lumiyay, awood uu odayaashii xabsiga ugu sii hayana waa waayay, taasoo hoos u dhigtay haybaddii hoggaankiisii iyo tii hay’adihii dowladdii uu hogaaminyay, arrinkaasuna waxa uu dhiirigaliyay jabahadihii hubaysnaa oo markii horaba aaminsanaa in Madaxweyne Siyaad waddada keliya ee lagula xaajoon karo ay tahay gumaca rasaasta oo la isku liso!, iyada oo aan dan loo gelin natiijada ka dhalan karta wadaxaajoodka noocaas ah.

Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii sanadkii 1990, xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, uu Madaxweyne Siyaad oggolaaday wadahadal uu la yeesho mucaaradkii uu in badan ka meermeeray, waxayse ahayd mar ay jabahadihii hubaysnaa ay dalka intiisii badnayd ku baaheen ayna kulaalayaan caasimadda oo ay maalmo kadib soo galeen, iyaga oo ay 26 maalmood keliya ku qaadatay in ay Madaxweynihii caasimadda dibadda uga saaraan, qarankiina uu halkaa ku burburo.

Qoraalka ay odayaashu soo saareen oo ay ugu magac dareen “Bayaankii Koowaad ee Muqdisho” waa mid taariikhi ah, ka sokow inuu maalintaa ay soo saareen ee 15-ka May 1990 uu xambaarsanaa talooyin wax ku ool ah oo lagu furdaamin karay xaaladdii dalka ka jirtay, maanta oo uu qoraalkaasi 30 sano jirsaday, waxa uu weli leeyahay qiimihii uu maalinkaa lahaa, waa haddii la helo cid dhegaheedu iyo indhaheedu laabta u furan yihiin.

W/Q: Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email: [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you