Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa dagaal xoog leh oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Alshabaab ku dhex maray degaano u dhow magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Milateriga qeybt 21-aad iyo ciidamada kumaandooska Gorgor ee ku sugan Galmudug, waxaana la sheegay inuu ahaa howlgal lagu sifeynayo goobo ay soo galeen magaalada Alshabaab oo dhinaca Koonfureed ka xigta Dhuusamareeb.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ilaa 15-dagaalame looga dilay Alshabaab dagalakii saaka lagu qaaday oo ka dhacay inta udhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere duleedka Koonfureed ee caasimada Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiya Alshabaab ee la weerraray ay ku howlanaayan inay miinooyin ku aasaan Jidka Laamiga, waxaana dagaalka oo qabsaday goobta looga dilay in ka badan 15 dagaalame, iyadoo laga furtay ilaa 10-qori. Saraakiisha ciidamada ayaa sheega inay dileen 19 dagaalame.
Meydadka maleeshiyada Alshabaab ee lagu dilay dagaalkan ayaa la geeyay degaanka tuulo-xaayoow halkaasi oo lagu soo bandhigay iyaga iyo hubkii laga furtay. Waxaa kaloo dagaalka ku dhintay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah oo aan tiradooda la shaacin.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxaana war kasoo baxay Xarakada lagu sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Dhuusamareen iyo Ceeldheere ay ku dileen sarkaal sare iyo 7 askari oo ka tirsan cidiamada dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka ay Alshabaab sheegtay inay dagaalka saaka ku dishay lagu magacaabi jiray Cabdulle Madax Yareey.