2 Sano kadib Doorashadii Farmaajo waxaa London lagu xaraashayaa Shidaalka Somalia [Qormo Xasaasi ah]

Waxaa lagu wadaa in bisha 08 Febraayo oo ku aadan labo sano ka dib maalintii la doortay Madaxweyne Farmaajo la qabto xaraash lagu suuqgaynayo xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teedsan dhul ku fadhiya 173,000 km.

Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in

Ad

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya. Waxay masuul ka tahay sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda.

W/Q: C/raxmaan C/shakuur

Akhriso: Warkan oo Ingiriis ah

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,969FansLike
799FollowersFollow
2,974FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!