Saturday, July 26, 2025

3 Qodob oo Sababi karta fashilka Shirka Jabuuti ee Somaliya & Somaliland (Akhriso Warbixin)

-

Waxaa maanta magaalada Jabuuti ka furmaya wadahadallo heer sare ah oo dhex maraya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyadoo shirkani uu yahay mid dhacaya xilli xasaasi ah.

Madaxda shirka la isugu keenay, dalalka deriska ah iyo dowladda Mareykanka oo shirkan ka dabeysa waxay caddeyn u yihiin in awood weyn la geliyey in la isu keeno dadku ay taladu ka go’do labada dhinac ee saameynta leh, laakiin shirka oo fursad weyn noqonaya haddii heshiis lagu gaaro waxaa halis ku ah saddex qodob oo fashili kara. waxayna kala yihiin:

1- DOWLADDA MAREYKANKA

Ma cadda waxa Mareykanku ka damacsan yahay wadahadalka iyo dadaalka badan ee uu geliyey, waxaana diblomaasiyadiisa Geeska Afrika ay ahayd muddo dheer mid aan miro-dhal ahayn, taasoo ay ugu wacan tahay inuu arrimaha Soomaaliya u soo maro Itoobiya oo dano gaara ka leh Soomaalida kala qeybsan, taariikh iyo fahamna qoto dheerna u lahayn xaaladaha Geeska Afrika.

2- MUUSE BIIXI

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inkastoo uu yahay madaxweyne la doortay wuxuu awoodi waayey inuu dadka ay taladu ka go’do ee Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda ku qanciyo qorshaha Mareykanku wato ee Somaliya dib loogu mideynayo, wuxuuna door biday inuu qariyo arrimaha la hordhigay ee Midnimadu ka mid tahay.

Muuse Biixi wuxuu madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI u sheegay inuu Mareykanku awood saaray oo shirka Jabuuti ku qasban yahay, taasina waxaa ku cad inuusan diyaar u ahayn ama ku dhici karin inuu galo heshiis soo hadal qaadaya midnimo.

3- FARMAAJO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku jira sanadkii ugu danbeeyay ee xilka madaxweynaha iyo xilli doorasho, ma joogo waqti uu go’aano waaweyn qaadan karo, waxaana mowqifkiisa hoggaamineynimo hoos u dhigaya inuusan heshiis la ahayn maamuladii dowladda federaalka ka tirsanaa, isla markaana uu xitaa isku heynin kuwii ay isku beesha ahaayeen ee Puntland iyo Jubbaland oo shirka Jabuuti u arkaya mid beeshoodu ka maqan tahay.

Arrimahan oo dhan waxay shirkani weyn ka dhigayaan mid aysan labada dhinac u diyaar garoobin oo aanay cidna awood u in lagu gaaro heshiiska laga doonayo, waxayna aakhirka u eg tahay in arrimo hoose oo aan masiiri ahayn laga soo saari doono, haddii aan lagu kala tegin.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you