Sunday, August 24, 2025

5 su’aal ha la weydiiyo C/kariim Xuseen Guuleed & Mahad Salaad [Qormo xaqiiqo raadin ah]

-

Heshiisyada ay Xukuumaddu sheegtay inay u cuskatay arrinta Qalbi Dhagax waxaa wax ka kala saxiixay madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyo wasiiru dawlihii madaxtooyada, Kadib markaan aqriyay heshiiska, isla markaana aan arkay jawaabihii ay ka bixiyeen heshiisyadaas waxaa igu dhashay su’aalahan. 
1. Labada heshiisba waxay ku billaabanayaan magaca labada dal, waana sababta loo xushay inay xilal ka hayaan labada dal. Haddiiba Itoobiya u aqoonsan tahay inay Soomaaliya matalaan ma waxaa kala qurxoon in loo aqoonsado inay matalaan reerkooda oo C/kariim xitaa uusan wada matalin Galmudug? Mahad Salaadna madaxtooyadii qaranka? Sidoo kale wasiir Mursal maadaama uusan reer Galmudug ahayn yuu matalayay? Haddiise ay ku saxiixeen awood shakhsiyeed maxaa xilalka ay hayaan meesha loogu qoray?

2. Waxay sheegeen in heshiisyada aysan khuseynin maxaabiis is-dhaafsi. Qodobada 4 illaa 6 (heshiiska 2da May 2016) waxay sheegayaan in la wadaago xogta. Maxay tahay sababta xogta loo wadaagayo?

3. Wuxuu sheegay in heshiiskani khuseeyay Galmudug iyo arrimaha xuduudda. Haddii xitaa taas sideeda loo qaato sow jabhaduhu kama hawlgalaan xuduudaha, sida Galmudug. Tan kale Qalbidhagax meesha laga soo qabtay sow Galmudug ma aha?

4. Waxay labadoodaba sheegeen in ONLF ay u aqoonsan yihiin jabhad xaq-u-diri ah.  Hadday sidaas sax tahay qodobka 3aad ee heshiiska uu saxiixay C/kariim iyo qodobka 2aad ee heshiiska uu saxiixay Mahad Salaad waxay ONLF (oo looga yaqaano Killilka UBO) ku tilmaamayaan argagixiso. Magaca UBO wuxuu la mid yahay magaca ay Nabadsugidda Soomaaliya u bixisay Shabaab ee UGUS.

5. Waxaa la yiri heshiiskaas lama marsiin baarlamaanka. Mas’uuliyadda in heshiisyadaas baarlamaanka la horgeeyo ma waxaa lahaa xukuumaddii hore ee saxiixday mise midda cusub?

Su’alaahaas ha nooga jawaabaan madaxdii hore, ka dib kuwa cusub aan weydiino dhankooda.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you