Maxaa laga baran karaa doorashooyinkii guddoonka labada aqal ee BFS:
1. Rabitaanka dadka inaan qori iyo cagajugleyn, hoobiye & qaboojiye la xabadeeyo, Shir jaraa’id iyo buuq midna aan lagu hor istaagi karin.
2. Hebel baa I wata, ama anigaa laaluush badan bixiyey in aan la isku dooranayn.
3. Qof kasta oo lagu tuhmo in uu xiriir la soo yeeshay ama la leeyahay kooxda Farmaajo in saamayn aan wanaagsanayn ay ku yeelatay.
4. In qofkii qadiyadda umadda u hiiliya ama mowqif sugan lahaa sanadihii la soo dhaafay lagu abaalmarinayo wax wanaagsan!
5. In Farmaajo uu is hortaag ku sameeyey matalaaddii gobolka Gedo. Xildhibaanadii oo banaanka joogana guddoonka la doortay!
6. In Raysulwasaare Rooble uu hormuud ka noqday badbaada dalka, la’aantiisna aysan qabsoonteen doorashooyinka dalku.
7. Kaalinta muhiimka ee ay qaateen guddoomiyaashii KMG ahaa ee labada aqal ay ahayd mid aan la hilmaami doonin.
W/Q: Axmed Macallin Fiqi
Xildhibaan hore iyo Wasiirkii Amniga Galmudug
