Friday, August 1, 2025

ABGAAL VS ABAAR / SHABAAB

-

Qabiilka Abgaal Cismaan oo ah qabiilka ugu badan dadka dega Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxa uu ka mid yahay qabaa’ilka Soomaalida kuwa tira ahaan ugu badan.

Abgaal waxaa ka dhashay General Daa’uud Cabdulle Xirsi, Xuseen Kulmiye Afrax, Salaad Gabeyre, Faarax Gololleey, Cali Mahdi, Prof. Cali Maxamed Geeddi, Nuur Cadde, Sh. Shariif Sh. Axmed, Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sh. Yuusuf (Maddaale).

Qabiilka waxaa lagu tiriyaa mid ka mid sh qabaa’ilka ugu hantida badan Soomaalida Koofureed, waxana laga heli karaa in ka badan 50 nin oo kiiba milyan doollar iyo ka badan uu haysto.

Waxaa qabiilka ka dhashay tobaneeyo ka mid ah ragga sheegtay inay sanadkaan isu soo taagayaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, waxanan dhihi karnaa dadka damaca madaxweyne ku jiro 70% waa Abgaal.

Waxa intaas dheer in Agbaal uu degi dhul aad u baaxad weyn oo fidsan min Shabeellaha Hoose, Banaadir, Shabeellaha Dhexe ilaa Galguduud.

Haddaba, ayada oo taasi ay jirto, ayaa waxa nasiibdarro ah in dhulka qabiilka intaas la’eg ay hareeyeen abaaro iyo dagaallo dad iyo duunyo halakeeyey oo aan la’isugu garaabin la’iskuna gacan qaban..

Dhulka Abgaal dego ee Galguduud, gebi ahaanba waxaa gacanta ku haya Shabaab, dadkii degganaana waxay noqdeen wax la laayey iyo wax qaxooti ku noqday deegaannada deriska la ah.

Sidoo kale, Gobolka Shabeellaha Dhexe oo magaalooyinka caanka ka ah ee Abgaal dego ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Mahaddaay, Warsheek, Jowhar iyo Balcad, meelo badan oo ka mid ah waxaa gacanta ku haya Shabaab oo dadkii degganaa way ka qaxeen, merlo kalena waxa loogu baaba’ay baad iyo biyo la’aan.

Maamulkii Shabaab, waxa dadka ugu darsantay abaar daba dheeraatay oo wixii dad iyo duunyo gacan Shabaab ka badbaaday leysay, ilaa iyo hadda cid gurmad u fidisay iyo cid hadal haysaana ma jirto.

Haddaba, malyuunneerrada Muqdisho madaxweynenimada malaayiinta doollar ugu bixinaya, dadkii dad ugu xigayna Shabaab iyo abaari isugu darmeen oo bakhtigu u xalaal yahay, sida ay ku dhacday yaa ii micnayn kara?

Sabriye Musse
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you