Friday, July 11, 2025

Adiga Dubo, Adiga lee Daangeeyso..! (Warkii Xeer ilaaliyaha Ciidamada iyo Qormada Xildhiban Aamina)

-

Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha CQS Cabdullahi Buulle Kameey, maaha mid sharciga waafaqsan, sabaha soo socdo dartood;

1. Xeer ilaalintu baaritaanka kiiska ayeey leedahay mooyee go’aankiisu iyada ma lahan, xaqna uma lahan ineey baahiso.

2. Waxeey aheyd in caddeeymaha baaritaanka ay heleen garsoorka ku simaan, garsoorkana su’aalo ka weeydiiyo tuhmanayaasha goob maxkamad oo fagaare ah oo la dhageeysanaayo, sida kiisas badanba la sameeyay.

Waxaa ugu danbeeyay kiiskii Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo eedeeysanayaashii kiiskaas meel fagaare ah garsoorku su’aalo ku weeydiiyeen iyagana xaq u yeeshay ineey is difaacaan.

3. Maxkamadda ayaa ugu danbeeyn go’aanka ugu danbeeya laheyd, kadib marka ay ku cabir qaadato eedeeymaha loo jeediyay tuhmanayaasha iyo isdifaacooda.

Go’aankaas ayaana noqon lahaa mid ama lagu qanco ama lala qoonsado oo la aado rafcaan. Waxyaabaha sharciga hareermarsan ee ay xeer ilaalintu warbaahinta ka sheegtay waxaa kamid ah in tuhmanayaasha ay u ogolaadeen in la baaro kiiska.

Sidee tuhmane xog uu gacanta ku haayo danbi isaga lagu tuhmaayo caddeyntiisa looga heli karaa? Waa waxyaabaha aan maanka galeyn ee hareeyay kiiska.

Innaga kiiska Ikraan waxaan geeynay maxkamadda CQS iyaga ayaana ka dhowreynaa ineey gal baariseedkaas go’aan ka gaaraan. Maxkamadda CQS waxaan ka codsanayaa in kiiska ay u qaaddo sidii kuwii ka horeeyay ee ay gashay.

Ugu danbeeyn shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay, Ikraan maanta idinka ayeey garab idiinkaga baahantahay, haddii manta aan Ikraan caddaalad u heliddeeda la garab istaaginna maalinba qof beey iridda uga soo galeeysaa.

Ikraan Tahliil Faarax, ama hadhawaato ama ha dheeraato waan hubaa ineey caddaalad heleeyso oo aan marnaba looga hareeyn dadka lagu tuhmayo kiiskeeda.

Wabillahi toowfiiq

W/Q: Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you