Wednesday, July 16, 2025

“Afar Arrimood oo laga dalbaday Farmaajo si uu ula heshiiyo Imaaraadka” [Akhriso tallooyinka Hay’ad Caalami ah]

-

Ururka xasaradaha caalamiga ayaa ka digaya in khilaafka  u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Hadalka ICG ayaa ku soo beegmaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii uu billaamay muranka Khaliijka. Bishii June ee sannadkii hore waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynayn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda qaniga ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Soomaaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.

Bartamihii April, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Haddaba Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday inuu sameeyo afar arrimood oo ay hay’adda aaminsan tahay inay xal u noqon karto khilaafka dowladda iyo Imaaraadka u dhexeeya.

Waa inuu la hadlaa Imaaraadka

Hay’adda ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in cod dheer uu ku sheego inuu diyaar u yahay wadahadal toos ah oo u la galo Immaaraadka kana dalbado Sacuudiga inuu dhexdhexaadiya labada dhinac. Waxaa taasi suuragelin kartaa in lacagtii Imaaaraatka ee ay dowladda federaalka qabatay lagu bixiyo mushaaradka ciidammada ay immaaraadku tababreen oo la sheegay in markii horaba lacagtasi loo waday.

Waxaana sidoo kale la sheegay loogu baaqay saraakiisha sare ee dowladda inay qaboojiyaan hadallada ka dhanka ah Imaaraadka. 

Ha handadin Mucaaraadka

Waa in dowladda Soomaaliya ay joojisaa handadaadda ay ku heyso xubnaha mucaaradka ee ay ku tuhunto inay taageero dhaqaale ka helaan Imaaraadka. Saamaynta lacagaha shisheeyee ay ku yeesheen siyasadda Somaaliya ayaa haa walaac in mudda ah taagnaa.

Balse hay’addu waxay hoosta ka xariiqaday in mucaaradka oo kali ah uusan lacagahaasi dalal shisheeye ka helin.

Dowladda ayaa loogu baaqay inay dhiirageliso la xisbaatanka oo iyadu qudheda ay shacabka la wadaagto lacagahaha ay dalalka shisheeye ka hesho.

Dhameystirka dastuurka

Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa dowladda ku dhiiragelisay inay si deg deg ah u dhameystirto dastuurka qabyada ah, kaaso qeexaya qaybsiga awooddaha iyo khayraadka dalka.

Qaabkii loo qeybsan lahaa kheyraadkan ayaa xudun u ahaa khilaaf marar badan soo kala dhexgalay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.

waxaa lagula taliyay dowladda inay sii ambaqaaddo wadahadalladii ay la gashay maamul goboleedyada bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii.

Wadahadalka Somaliland

Hay’adda xasradaha caalaamka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo inuu kulan la qaato madaxweynaha Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muusa Biixi si uu niyad wanaag ugu muujiyo.

Immaaraadka iyo Somaliland waxaa lagula taliyay madaxweynaha inuu joojiyo ishortaagga heshiiska dekedda Berbera ee ay DP world oo in muddo ah soo socday.

ICG ayaa dhinaca kale ugu baaqday quwadaha Khaliijka iyo Turkiga inaysan khilaafkooda u soo xawilin geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, maadma bay tiri aysan jirin cid ay arrintaa guul ka soo raaci doonto balse ay dhibaato un ku tahay shacabka Soomalaiyeed.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you