Monday, July 14, 2025

Afar Qodob oo miradhal ka dhig kara Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraatka [Qormo]

-

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu kutagay dalka Imaaraatka ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayso dagaal ka dhanka ah Alshabaab, fara gelin shisheeye iyo cadaadis ku aaddan go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu hordhigayo dhiggiisa Khaliifa Binu Saayid, arrimaha iskaashiga labada dal, cabashooyinka Soomaaliya ay ka qabto dowladda Imaaraatka iyo kaalinta la rabay in ay ka qaataan dib u soo kabashada dalka.

Hadaba, Caasimadda Online waxay ka xog waraysatay dad khubara ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay labada dal ka wada hadlaan.

1. Arrimaha Soomaaliya in lagala xaajoodo Dowladda Dhexe

Bilihii la soo dhaafay dowladda Imaaraatka waxa ay qaabishay madaxda Maamul Gobeleedyada taas oo ay si wayn uga biya diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ugu dambayntiina Madaxda Imaaraatku ay ka garwaaqsadeen arrinkan fahmeenna in furaha kaliya ee Soomaaliya uu yahay Dowladda dhexe taas oo horseedday in ay haatan diyaar u noqdaan in arrimaha Dalka lagala xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. In Soomaaliya lagu tixgaliyo go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khilaafka Khaliijka.

Waxaa cadaadis muuqda lagu saaray dowladda go’aankaas iyadoona Dowladda Imaartku ay arrinkaas gundhig u ahayd.

Cadaadiska waxaa ka mid ahaa taageerada ay u sameeyeen Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Imaaraatka iyaga oo soo saaray qoraallo ay ku taageeraayan go’aanka Xulafada Imaaraatka iyo Sucuudiga.

Waana markii ugu horreysay oo Madaxda Maamul Gobeleedyada ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan Siyaasadda Arrimaha Dibadda taas oo noqotay arrin ugub ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka la iskuna waafaqay in arrinkan uu ka soo horjeedo dastuurka dalka.

3. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka.

Saraakiil ka socota hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa safarkan Madaxweynaha ku wehelinaya taas oo ka dhigan in madaxweynuhu uu soo bandhiggayo Imaaraatka in ay u fududeeyaan ganacsatada Soomaaliya hawlaha la xiriira socdaalka maadama dalkaasi uu yahay suuqa ugu weyn ee ay ku xiranyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

4. In Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaaya in uu ku soo qanciyo hoggaanka dalka Imaaraatka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoo lagala hadli doono qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xogga Dalka.

Khubadara falaanqeeya Siyasaadda Dibadda iyo kuwa amniga ayaa isku raacsan in heshiis laga gaaro qodobadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay dagaalka Alshabaab.

Waxaa Qoray: Maxamuud Cumar Albashiiri

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you