Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku dhex jira xaalad siyaasadeed tii ugu cusleyd ee soo wajahda inti uu xilka hayay.
Madaxweyne Cosoble ayaa hore uga badbaaday Mooshin ay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ka keeneen markii uu magacaabay Golaha Wasiirada maamulkiisa, laakiin waxaa hadda uu ku dhex dhacay xaalad cakiran oo aan la ogeyn inuu ka badbaadi doono.
Mooshinkii labaad ee ay ka keeneen xildhibaanada Hirshabeelle ayuu Cali C/llaahi Cosoble heshiis la galay qaar ka mida xildhibaanada isagoo ogolaaday inuusan isku shaandheyn ku sameyn golaha wasiirada oo u badan xildhibaano, laakiin uu mar kale jebiyay markii uu xilka ka qaaday dhowaan wasiirkii Maaliyadda Hirshabelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, una magacaabay Zaki Cabdi Xaraare.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeysan in uu keligiis isku koobay awooddii maamulka, shaqo aan socon, muddo 9 bil ahna aan la qaban shaqo muuqata. “Madaxweynaha wuxuu iloobay inuu cod ku yimid, wuxuu jebiyey heshiiskii la gaaray, waxa uu maroorsaday awooddii maamulka, kali talis ayuu noqday, arrintiisana baarlamaanka ayaa go’aan ka gaari doona” sidaan waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Caddow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.
Shaqada ugu weyn ee madaxweyne Cosoble ayaa noqotay inuu xilal magacaabo, isla markaana lacagaha uu ku helo maamulka Hirshabelle ee dowladda Federaalka ka timaada uu ku biisho guri uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, iyadoo ay yar tahay xilliyada uu ku sugan yahay xarunta maamulkiisa ee Jowhar.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu tilmaamaa mas’uulka ugu liita madaxweynayaasha maamul goboleedka dalka, waxaana maamulka ugu da’da yar ee Hirshabeelle uu ka dhigay mid aan wax shaqo ah qabanin.