Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Sharciga dhaqan galay ee Isgaarsiinta [Maamulka .SO/ 252…]

-

Wax ka baro qodobada ugu muhimsan Sharciga Isgaarsiinta ee uu Maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo, Maamulka , danaha isdiidan, Isticmaalka furaha Qaranak 252, Summada Qaranka ee Internetka (.So) iyo waxyaabaha kale kuu muhimka ah in aad ka ogaaato Sharciga.

Awoodaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka mid ah:-

Awoodda maamulka isgaarsiinta sida rukhsad bixinta, waxaa ay geli kartaa heshiisyo, waxaa yeelan kartaa, heysan kartaa ama kireysan kartaa hantida guurtada ama ma guurtada ah si waafaqsan sharciga maaliyadda, Talo bixin, Canshuuraha, talo bixinta tariifadaha, lambarada iyo kobcinta tartanka isgaarsiinta, Xallinta khilaafaadka shirkadaha, ilaalinta xuquuqda macaamiisha sida sirta macaamiisha, tariifada adeegga, helidda adeegga iyo diyaarinta habka loo bixinayo shatiyada.

Waa Hey’ad madax bannaan oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, waxaa ay maamul ahaan hoos tagtaa wasiirka wasaaradda isgaarsiinta, sidoo kale miisaaniyadeeda waxaa ay ka mid noqoneysaa miisaaniyadda guud ee dowladda.

Hey’adda Isgaarsiinta waxaa ay ka koobnaan doontaa:-

Hey’adda maamulka(board of directors), Maareeye guud, maareeye ku-xigeen iyo waaxyo kala duwan.

Dhanka Maamulka:-

Hay’adda Maamulka waxaa uu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood oo ka kala imaanaya, 2 xubnood Wasaaradaa Boostada iyo Isgaarsiinta; 4 xubnood Shirkadaha Isgaarsiinta, 3 xubnood (xirfadlayaal) ka imaanaya qaybaha (sector) isgaarsiinta dalka. 1 (hal) xubin Bulshada Rayidka ah , 1 (hal) Qareen oo ka imaanaya Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Maareeyaha iyo Ku-xigeenkiisa.

Mas’uuliyadaha Hey’adda waxaa ugu muhiimsan:-

Meelmarinta miisaaniyadda, la socodka dhaqan gelinta sharciga, ansixinta shaqaale qorashada iyo in ay wasaaradda u gudbiyaan warbixin la xiriirta qaabka maamulka hey’adda.

Shuruudo:-

Waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo Soomaali ah, deggen dalka, da’diisu aysan ka yarayn 30 sano, dhimir ahaan fayo-qab yahay, uusan laheyn fal-dembiyeed, leeyahay xirfad aqooneed heer jaamacadeed ugu yaraan 5 sano, waa in uu leeyahay labo ka mid ah xirfadahan: Aqoonta sharciga, aqoonta arrimaha macaamiisha, aqoonta isgaarsiinta, aqoonta Tecknolojiyadda casriga iyo aqoonta maamulka iyo dhaqaalaha.

Iska hor-imaadka Danaha is-diidan:-

Madaxda sare ee hey’adda iyo cid kasta oo ka tirsan shaqaalaha waxaa ka reeban ka shaqeynta arrin ka hor-imaanaysa go’aan-ka-gaarista arrinta laga hadlaayo sida: danaha dhaqaale ee gaarka ah, danaha dhaqaale ee la xiriira xaasaskooda, qof ka mid qoyskooda iyo qaraabadooda, dano dhaqaale hey’ad uu saami ku leeyahay, hey’ad uu u shaqeeyo..haddii arrimahaas dhacaan waa labo midkood: inuu ka cudur-daarto ka qeyb-galka go’aannada arrimahaas ama inuu iska wareejiyo isaga oo sheegaya sababta.

Bixinta Hirarka:-

Hey’adda waxaa ay qorsheyneysaa isla markaana maamuleysaa shaxda qoondada iyo bixinta hirarka qaranka, waxaa ay aqoonsaneysaa hirarka isgaarsiinta hey’adaha hadda jira horay u isticmaaleen ayada oo la waafajinayo sharciga, waxaa hirarka la siinayaa: hey’adaha amniga qaranka, dab-demiska, hey’adaha warbaahinta iyo shirkadaha isgaarsiinta.

Dhanka Rukhsadda:-

Hey’adda ayaa bixineysaa ayada oo ku bixineysa muddo cayiman, waxaa go’aan lagu gaarayaa 14 maalmood oo maalmo shaqo ah, qiimaha waa xadidaya hey’adda isgaarsiinta qaranka, waxaa kale oo shirkadaha laga doonayaa in ay cusbooneysiiyaan rukhsadda inta aaney dhicin, waxaa xusid mudan in hey’adda isgaarsiinta qaranka awood u leedahay in rukhsadda la noqoto.

Go’aannada Hey’adda:-

Waa in ay ku saleysan yihiin daah-furnaan, hey’adda waxa ay ogolaaneysaa in shirkadaha ka qeyb noqdaan wada tashiga, arrinta kasta waxaa ay ku soo saareysaa qoraal, go’aannada hey’adda waxaa ay noqon karaa tallaabo walbo oo la jaan-qaadi karta duruufaha dalka, waxaa ay diidi karaa codsi kasta oo ka hor imaanaya sharciga.

Dhibbane:-

Cid kasta oo ku noqota dhibbane sabab la xiriirta tallaabooyinka iyo go’aannada hey’adda isgaarsiinta, waxaa ay codsan karaa dib-u-eegis, cid kasta oo waxyeello ka soo gaarto go’aanka hey’addan waxaa ay ay racfaan u qaadan karaan maxkamad awood u leh.

Dhanka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta:-

waxaa laga doonayaa in ay soo diyaariso siyaasadda guud iyo qorshaha isgaarsiinta, istaraatiijiyad lagu fulinayo baaxadda adeegga isgaarsiinta, dhiiri-gelinta shirkadaha isgaarsiinta wadaniga ah, kormeeridda iyo la-xisaabtanka hey’adda isgaarsiinta qaranka, wacyigelinta bulshada ee macluumaadka isgaarsiinta, ilaalinta habsami u socodka adeegga isgaarsiinta iyo Internet-ka, kormeeridda shirkadaha isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta waxaa uu leeyahay:-

Sameynta, kormeerka iyo go’aan-qaadashada siyaasadda guud ee isgaarsiinta dalka

La gor-gortanka iyo dhaqan-gelinta heshiisyada isgaarsiinta caalamiga ah ee lagu galo magaca Soomaaliya, U matalidda Soomaaliya goloyaasha caalamiga ah iyo caawinta hey’adda ee dhanka hawl-galka iyo helidda dhaqaale lagu hormariyo qeybaha.

Qorshaha Lambar-bixinta Qaranka:-

Waxaa reeban in la isticmaalo lambarada qaranka, iyada oo aan loo heysan rukhsad ay bixisay hey’adda isgaarsiinta qaranka, furaha qaranka ee 252 iyo sumadda qaranka dot So(domain) waa hanti dowladduu leedahay, waxaana u xil saran hey’adda isgaarsiinta qaranka, hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa qoondeyneysa qaabka loo isticmaalayo lambarada dalka, hey’adda waxaa ay leedahay awood ay ku ilaaliso, kuna sameyso xeer nidaamiye habka loo isticmaalo qorshaha qoondeynta iyo bixinta Lambarada qaranka, adeeg bixiyeyaasha waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan lambaro ku filan baahidooda si ay u bixiyaan adeegga isgaarsiinta.

Waxaa kale oo sharciga ku xusan hab qeexaya diidmada qeyb ama dhammaan codsi la xiriira isticmaalka lambarada iyo diiwaangelinta shabakadaha bixiya adeegga Internet-ka haddii ay dhacaan: codsaduhu aanu heysan rukhsad uu ku bixin karo adegga, codsigiisu aanu waafaqsaneen qorshaha ama qoonada iyo haddii ujeedada isticmaalka Lambarka la codsaday ay halis ku yihiin jiritaanka shirkadaha isgaarsiinta iyo amniga qaranka sida Khiyaano.

Dhanka Tartanka Suuqa:-

Waa tartan ganacsi oo xor ah, hey’adda ayaa iska leh kormeerka iyo go’aan ka gaarista tayada adeegga, waxaa ka reeban rukhsadle kasta oo bixiya adeeg isgaarsiineed oo ay hey’adda ogolaatay, inuu ku kaco fal ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo tartanka suuqa xorta ah ee isgaarsiinta dalka, haddii lagu helo waa la ganaaxayaa, waxaana loo gudbin karaa maxkamad, waxaa kale oo la fiirinayaa anshaxa isticmaalka adeegga ay shirkadaha bixiyaan, waxaana waajib ah in la ilaaliyo amniga qaranka, waxaana la farayaa shirkadaha in ay diiwaan-geliyaan dhammaan dadka iska leh lafaha(SIM Cards) Telefoonada, si loo sugo milkiyadda iyo xuquuqda gaarka ah.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you