Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Shan Caqabad oo ka hor imaan kara Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya [Faallo]

-

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa horyaalla caqabado waaweyn oo ka hor imaanaya marka uu xafiiska fariisto magaalada Jigjiga.

Caqabadahaas hoggaankiisa cusub ka hor imaan doona ayaa Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan, haba ugu horeyso dhaxalkii qaraaraa ee uu ka tegay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo isbedelka Itoobiya ka socda.

1- Liyu Boolis

Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar.

dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood.

– Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu xanto inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.

– Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin.

– Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda.

2- Qaab dhismeedka degaannada

Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey.

Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar.

Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta?

Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo.

3- Xiriirka Dawladda Federaalka

Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm.

Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”.

Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday.

Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo.

Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo.

Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin.

4- ONLF iyo Kooxaha mucaaradka

Jabhadda Waddaniga Xureynta Ogaadeen (ONLF) oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos tago Itoobiya ay uga xoreyn lahayd iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiidd iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka CAbdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la waregaan.

Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo uu madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana wax weyn ay ku kala duwaneen xagga aragtida mucaaradnimada, haddana ONLF waxay kaga duwan tahay waxay dooneysaa iney gobolkan gabigiiba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya.

Xisbiga talada deegaanka haya ee XDSHSI oo isaguna siyaasadda deegaanka ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo.

Haddaba dhinacyadan siyaasadeed haddii uu madaxweynaha sida ku habboon loola dhaqmin qaab dhismeedka dowlaiga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin waxaa adkaaneyso iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii sida ugu munaasabsan uu u maareynin.

5- Isku dhacyada Oromada iyo Somalida

Dhowrki sano e u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniya badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray.

Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanaddi ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan sidi loo joojin lahaa oo labada shacab ee xadka dheer wadaago dib looga walaaleyn lahaa ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida dad badan ayaa laga laayey dhulna waa laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay. Labadaasi aragto ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you