Goobjooge.com waxay idin soo gudbineysaa sida maamul goboleedyada u qeybsadeen xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka hoose ee dhan 275 oo maamul goboleed kasta laga soo dooranayo tiro xildhibaano ah.
Shirkii ugu danbeeyay ee Madaxda Madasha Qaran uga socday magaalada Muqdisho ayay ku qeysadeen tirada xildhibaanno ee magaalo kasta laga soo dooranayo iyadoo loo qeybiyay xarumaha maamulada dalka ka jira iyo caasimadda Muqdisho.
Gobolka Banaadir (Muqdisho) waxaa lagu soo xulayaa qeyb ka mida xildhibaanada beesha shanaad oo kaliya
Gobolka Banaadir ayaa lagu dooranayaa ama lagu soo xulayaa 7 Xildhibaan oo kaliya, waxayna xildhibaanada Muqdisho lagu dooranayo kasoo jeedaan beelaha soo socda:
Beelaha Banaadiri: 5 Xildhibaan
Carab Soomaali: 1 Xubin
Dir/Surre: 1 Xubin
Xildhibaanada lagu soo xulayo Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar
Beelaha Hawiye oo ku lahaa Aqalka Hoose 61 Xubnood ayaa waxaa laga soo dooranayaa Cadaado (Galmudug), Beledweyne (Hiiraan) iyo Jowhar (Shabeelaha Dhexe).
Xildhibaanda ka imanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxay gaarayaan 37 Xildhibaan, waxayna ka kala imaanayaan Beelaha soo socda:
JOWHAR & BELEDWEYNE
Xawaadle: 8 Xildhibaan
Gugundhabe: 5 Xildhibaan
Gaaljecel: 4 Xildhibaan
Abgaal/Wacbuudaan: 3 Xildhibaan
Abgaal/Harti Abgaal: 3 Xildhibaan
Ciise Mudullood: 3 Xildhibaan
Beesha Dir: 2 Xildhibaan
Moobleen: 1 Xildhibaan
Hilibi: 1 Xildhibaan
Beesha 5aad: 7 Xildhibaan
CADAADO
Habargidir: 16 Xubnood
Murursade: 7 Xubnood
Mareexaan: 4 Xubnood
Abgaal/Wacaysle: 3 Xubnood
Dir: 2 Xubnood
Shiikhaal: 2 Xubnood
Madhibaan: 1 Xubin
Tumaal: 1 Xubin
XIldhibaanada lagu soo xulayo magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo [DAAROOD]
Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka ee lagu soo xulayo Garowe iyo Kismaayo, waxay kala yihiin:
KISMAAYO
Absame: 12 Xildhibaan
Mareexaan: 14 xildhibaan
GAROWE
Harti Daarood : 27 Xildhibaan
Xildhibaanada Daarood
Puntland: – Garowe- waxaa lagu dooranayaa 35 Xildhibaan
Jubaland: – Kismaayo waxaa lagu soo xulayaa 20 Xildhibaan
Koonfur Galbeed – Baydhaba waxaa ka imaaya 2 Xildhibaan ( labada xildhibaan waxay kasoo jeedaan Ogaadeen)
Galmudug – Cadaado: waxaa ka soo gelaya 4 Xildhibaan (Dhammaandood waxay ka so jeedaan Mareexaan)
Xildhibaanada ugu badan oo lagu xulayo magaalada Baydhaba
Magaalada Baydhaba ayaa noqotay goobta kaliya ee ugu badan xildhibaanada lagu soo dooranayo, waxayna dhan yihiin 69 Xildhibaan. Beelaha ay ka imaanayaan waxay kala yihiin:
Digil & Mirifle: 54 Xubnood
Absame: 2 Xubnood
Beesha Dir: 7 Xubnood
Beesha 5aad: 6 Xubnood
Saxiixayaasha cusub ee madaxda Madasha Qaran ayaa mid kasta dadaal u galay inuu badsado xildhibaada lagu dooranayo magaalada uu ka taliyo si uu saameyn ugu yeesho tiro badan oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka, taasoo dood adag iyo is mari waa ka dhacay, iyadoo markii danbe heshiiskan la isla gaaray.
Xaaladda ugu adag waxay ka dhex taagan tahay hadda Jubba iyo Puntland iyadoo xubno ka soo jeeda beesha Harti oo maamulka Jubbaland ku jira ay qasab ku noqotay in xildhibaanimo ka raadsadaan magaalada Garowe oo ay hoos tagaan C/weli Gaas kadib markii la waayay odayaal dhaqameed la aqoonsan yahay oo Jubbooyinka fadhigiisu yihiin kana soo jeeda beeshan.
GOOBJOOGE.COM