Saturday, April 20, 2024

Alshabaab oo Gobolka Sh/Hoose ku gubtay Gaadiid BL ah & Dadkii la socday oo ay afduubatay

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Alshabaab gubeen qaar ka mida gaadiidka dadweynaha ee BL-ka oo isaga gooshi jiray Jannaale iyo Afgooye, iyadoo afduubatay dadkii la socday iyo Darawalladii waday Baabuurtaasi,

Gaadiidka la gubay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 4 Homey ah, waxaana ay Alshabaab kaxeysteen Darawalladii iyo dadkii la socday Gaadiidkaasi oo Khudaarta u qaadi jiray suuqa degmada Afgooye si magaalada Muqdisho loogu sii qaado, waxayna arrintan ka danbeysay markii Alshabaab ay gaadiidka dadweynaha ka mamnuuceen inay adeegsadaay Jid-caddaha isku xira Janaale & Afgooye.

Roobab degaannadaasi ka da’ay ayaa sababay inay xirmaan jidadkii qarda-jeexa ahaa ee ay mari jireen Gaadiidka dadweynaha, taasoo keentay inay dib u isticmaalaan wadadda Jaayga, kadibna Alshabab ayaa tallaabadan qaaday iyadoo ay dhalisay inay istaagto isku socodka labada degmo iyo ganacsigii khudaarta

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoo ay weli maqan yihiin dadkii ay qafaasheen Alshabaab ee la socday gaadiidka qaar la gubay shalay, qaar kalena lugaha laga banjariyey oo ku go’doonsan degaanada N. 60, duleedka Janaale iyo agagaarka Marko.

Alshabaab ayaa miinooyin waaweyn gelisa wadooyinka ay adeegsadeen ciidamada dowladda, waxayna amarro culus ku soo rogtay dadka shacabka ah iyo gaadiidkooda degaano badan oo ka tirsan Sh/Hoose.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay